Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Kulan Balaadhan La-yeeshay Dhalinyarada Gobolka Daadh-madheedh

Oodweynenews (OWN)- Suldaanka Guud ee Beesha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani , ayaa kulan balaadhan kula yeeshay dhalinyarada Gobolka Daad-madheedh, magaalada Oodweyne ,


Kulankan oo ahaa casuumad dhalinyarada Gobolka Daad-madheedh, kusoo dhawaynaysay Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo Wafti kale oo todobaadyadii ugu danbeeyeyba ku sugnaa Gobolka Daad-madheedh, kuwaasi oo ka qayb-qaadanaayey dhaqdhaqaaqyada horumarineed ee dhawaanahanba ka socday Gobolka gaar ahaan magaalo madaxdiisa Oodweyne.

Munaasibadan oo kulmisay dhamaan Qaybaha bulshada ee Gobolka Daad-madheedh, oo qabsoontay Dugsiga Hoose Dhexe ee Mujaahid Harag-waafi ayaa waxa suldaanku dhalinyarada ku dhiirigaliyey inay ku dadaalaan waxbarashada iyo dadaal kasta oo uu ku horumari karo Gobolka Daad-madheedh,isagoo isla markaasina ku barasrujiyey inay yihiin hantii qaranka usoo kacay gaar ahaana Gobolka Daad-madheedh, uu ka sugaayo inay wax badan kusoo biiriyaan mustaqbalka dhaw insha alaah

Munaasibadan oo ahayd mid la isku arkay ayaa waxa hadalo kooban kasoo jeediyey, Maayarka Degmada Oodweyne Md.C/xakiin Nuur Muuse, Maayar Kuxigeenka Degmada Oodweyne Md. Maxamed Cumar Cilmi Xoosh, Suldaan Aadan Yuusuf Suulcayn, Cheaf Caaqil Axmed Libaax, Cheaf Caaqil Mataan Xaaji Xuseen iyo xubno kamid ah Gudida Horumarinta Gobolka Daad-madheedh,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker