Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Xubno ka mida Garsoorka Somaliland oo shir Caalami kaga qayb Galay Dalka Djibouti

Djibouti,( ) — Waftigi bahda Garsoorka Somaliland ee socodaalka ku joogay dalka Djibouti ayaa Magaalada Djibouti Gaar ahaan Huteelka Wayn ee Kempinski qayb galay shirka u saabsan Caddaalada waddamadda Djibouti, Kenya, Ethiopia, iyo UK.

Shirkan Oo Lagu Lafaguraayo Sidaa Laysula Fahmi, Layslana Meel Dhigi Lahaa Noocyadda Dambiyadda Abaabulan Ee Ka Gudba Xuduudaha Iyo Waliba Qaabka Looga Hor Tago Loolana Dagaalamo.

Waftiga Somaliland ayaa maalmaha soo socda la saxeexan doona wadamadan waxa luuqada qalaad lagu yidhaahdo matual legal assistance oo macnaheedu yahay inay wadamadani yeelan doonaan iyagoo ah dalal madaxbannaan xidhiidh xeereed oo ka dhan ah Danbiyadda abaabulan sida in cadaymaha lays dhaafsado Waana tallaabada qudha ee lagu yarayn karaayo Danbiyadda abaabulan.

Weftigan oo ka kooban 1. Guddomiyaha Maxkamadda Sare Proff Aadan Xaaji-Ali Ahmed

2. Garsoore Maxkamadda Sare Abdirahman Hassan Nur

3. Guddomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Ahmed Dalmar Ismail

4.Xeerilaaliyaha Gobolka Maroodijeex Mawlid Abdi Muuse

Iyo saraakiil kale oo ka tirsan bahda Caddaalada Somaliland.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Proff Aadan Xaaji-Ali Ahmed ayaa wuxuu kulan Gaaban la qaadtay Madaxda garooska Djibouti, Kenya, Ethiopia, iyo UK.

Gebagebadii Shirka waxa la isla qaatay dib ayaanu idinku soo gudbin doona.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker