Alfanaan Maxmed Siciid BK Oo Noqday Jiir Haan Ku Waynaaday ……….Iyo Arrinkii Xoolaha

Alfanaan Maxamed Siciid BK ayaa sidii jiir haan ku waynaaday qoorta babuur kasoo taagay maanta Hargeysa  isagoo iska bareejeynaya jiirkii isna maalin dhexdaasa qoorta kasoo taagay inkastoo jiirka hore isagu isyeel yeelayo oo aanu hanta ku dhex waynaan lakiin doonayo inay dadku kontayner  Hargeysa ugu jiraan……… inta ananu  warbixinta dhex gelin waxaanu ku wargelineynaa reer tolkayo beelweynta Yoonis Ismaciil maantoo kale markay gawaadhida  kurta kasoo saarsaarayeen ayey idinkana idin soo weerarenee is jira waa sidii maalintii hore .

Horta Beentii iyo kala hadalkii xukuumada Heego ee asqada ah ee shalay dhacday aynu dul istaagno ………Horta wasiir ku xigeenka Khaarjiga ayaa Bulsho tv u yeedhay wuxuu leeyahay adhiga waxa sii daayay TUJAAR oo been cadaana ah maxay hore ugu sii dayn wayeen adhigu 7 cisho ayuu xanibnaa ee wasiirku wuxuu ku darayaa inay been tahay in raysal wasaare ku xigeenka Mahdiga  Somaliya uu sii daayey adhiga tasoo been labaad ah ……. Anakoo halkaa marayna ayay xukuumadii Heego ee asqo shirtay saa kute adhiga anakaa sii daynay oo been ah Muwaadin ogow Wasiir ku xigeenka arrimaha Dibada ee Heego wuxuu yidhi TUJAAR baa sii daysay , dadku markay beenta sheegayaan way kala hadlaan waana sidaa xukuumada Heego ….. Beeni raad ma leh intaan gabalkii dhicin ayaa war soo yeedhay skeleton fallout from cupboard bakhti kale ayaa kasoo dhacay khankii xoolaha Somaliyeed see laye hadaad dooneysid inaad Saldanada Cumaan ee Suldaan Qabuus Bin Siciid hadaad dooneysid inaad xoolo u dirtid waa inaad ogolaanshiinyo  Bosaaso kasoo qadataa adoo Dekkeda Berbera isticmaalaya waar ya Heego ya kadabiin bal kaalayoo tana Jaalle Farmaajo madaxa u saara oo been ku furdaamiya..

Muwaadin sidii aanu hore idiinku sheegnay niman TUJAAR AH OO SYNDICATES NOQDAY OO CARTELS SAMAYSTAY mafia la yaab leh waa nimankaa kooto ku xidhanaya dal dhan mafiyadaa oo Somali cid walba leh ayaa dhawr jeer qarxisay xoolaha ummada Somaliyeed  oo dhan ee Sucuudiga iminka markabkii ku Xidhnaa Boqortooyada Sucuudiga cida isku haysatay TUJAAR Somaliyeed bay hayad ooy Tujaarta Somaliland labada dhinacba kasoo jeeday kii Wasiirka xanaanda xoolaha , Dhirta iyo Daaqa Somaliya isaguna Tujaartii buu ku dhex milmay markaa waxa loo tagay Raysal Wasaare ku Xigeenka  Mahdiga Somaliya oo markii horena arrinta xaliyey intaanay hadana carqaladayn Tujaartu kadibna Jaalle Mahdiga Somaliya ayaa la hadlay Wasiirka Degaanka, Biyaha iyo Beeraha Boqortooyada Sucuudiga  Engineer Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadley marna higher echelon ka hadii lagaadhana markabkaa deg deg baa loo fasaxayaa sidiiba markabkii lagu fasaxay.

Qofka Somaliyeed neefka xoolaha ayuu ku nool yahay  arrinkan oo kale hore ayaa loo arkay lakiin intan way ka fududayd markaa  Wasiir xanaanada xolaha waxa Somaliland kahaa Macaali Wasiir Cabdilaahi Maxmed Daahir ( Cukuse) oo kasoo jeeda xoolo dhaqatada asliga ah maha sida Macaali wasiir zamzam Cadi Adan oo waxoogaa geela intay Hargeysa dusheeda ku xaraysay garaabada qaadka siisa waar nimanyohow hadii tol layahay geelaa u doona nimankii Absame iyo Cali iyo Haruun . Yeelkeede .

Jaalle Cukuse waa ragii Geella  lahaaye markay meeshu sidanoo kale u wareeriyeen Tujaartu ee Xoolaha tiroba afar jeer in ka badan la xidhay 2014-2016 ooy mar is tidhi Dawlada Jabuuti la wareeg dhoofinta xoolaha Somaliyeed iyagoo gacan bidixayn ka helaya reer Gabiley arrinkaa ooy aad uga dagalameen Tujaarta Somaliyeed ( Dhib iyo Dheef ba waa leeyhiin ) ….. Markay arrintu cakirantay si wax nidaamsan loo helo Jaalle Cabdilahi Maxamed Daahir  oo Somaliland ah ayaa yidhi YAA MAALI JIRAYEEY dawladii Federaalka iyo Maamul goboleedyadeedii AJIIB bay ydhaahdeen NGO’s iyo haya’do  xaga tayaynta maamulka ihi qayladhaantii wasiirka ayey maqleen sidaa dawlad goboleedyadii iyo Somaliland  waxa gurada laysku daray Kampala caasimada Uganda marar kale waxa laysku arkay Nairobi waxa go’aan lagu gaadhay in Tujaartu ku fadhiisan kursigii dawladnimo ee ay hawshu dawladaha ka timadaa Tujaartuna qorshe dhisan racaan iyadoo laga fuuryeelayo dhoofka xoolaha ee Xajka ,Arrinkuna wuu fiicnaa ilaa 2018…………….. Markaa iminka Macaali wasiir Ina Goofaadhi waxoogaa xoola ahna waa leeyihiin ee ma wuxuu garan waayay WAAR YAA MAALI JIRAYEEY dheh mise reer Gabiley buu is mooday mise wuxuu ku foogan yahay Dirirta sokeeye ee Ceelafweyn wasiirkow Beenta Heego ka baxoo xal raadi “ NEEFKU WAA NAFTII. HEEGOOY BEENTA JOOJ I”…

Bal wiilkii Alfanaan Maxamed Siciid B.K aynu ku rogaal celino fanaanka Nairobi Kenya baa looga yeedhay si uu u kala kiciyo aroos ay Heego iska lahayd , arooskii wacdaro ayuu ka dhigay isla arooska waxa uu u  sheegay tageerayashiisa inuu Show ama bandhig faneed qaban doono balo ma jirto lakiin show-gu ama bandhigu hab loo maro ayuu leeyahay oo Magaalo waliba waxay leedahay Muriidiyo Maqaamka fanka haya waar cid Muridigii ah muu arkin xataa Marwo Eglan Saalax Show oo Muruudiyad Wayn ah fankana soo dhawaysa Nairobi Kenya markay doontana siday u joogto xayaysiisa cream wajiga la marsado oo laga sameeyey badhi idaad la yidhina waxa ka dalbaday Duqa horjoogaha Heego oo waa lagu yaradaa baa la ydihi ……Si kaystooy ahaato waxa isku yaacyaacay Muridiyiinta , qabqable sare iyo wixii fanka shuqul ku lahaa waar ninka B.K ah yaa wata maca Marwo Eglan Show saxeexedii meesha laga waa ….

Iyadooy caynkii tahay ayuu ninkii invention cards iyo flyers suuqa kusoo daadiyey waxa waraaqa ku qoran SH 10.000 toban kun oo shilling Kenyan ah u dhiganta $100 boqol Dollar  oo V.I.P  ogow Muwaadin $ 100 waa mushaharo bil Kenya waliba Somalida tikidhada kalena waxay ahayeen Sh 3.000 sedex kun oo shilling  oo dhiganta $30 sodon Dollar markaa waxaanu is nidhi fanaanku wuxuu u heesayaa special guests ama akhyaar gaar ah oo waxa abaabulaya Safiir Baashe Cawil xaaji Cumar  haduu safiirku 100 soo kaxeeyo inta ku xeerana 100 soo kaxeyaan $ 20.000 laabatan kun baa u bistlaatay fanaanka  boqol kaloo $ 30 Dollar bixineysaa haday soo gasho kharashka ku bixiya ha yidhaahdo way dhan tahay……….Showgii hore wuu baaqday fanaanku wuxuu leeeyhay waa la I qalin daaray qoladii Muridiyiinta Fanka Nairobi Kenya ayaa afka jug isku siisay wax la yidhi ninku show-ga ha qabsado waar aynu wada hadalno ayaa la yidhi wuxuu lasoo booday dawlada Kenya ayaa hawshayda ku jirta oon dacwada u gudbiyey waar wadaadkii wuxuu noqoday ‘ JIIR HAAN KU WAYNAADAY “ WAX FANAANIMO IYO ABWAANIMO AH oo ninkaa ka muuqday fanaanka ah  ma jirin  qoladiina meeshii dambe ee uu xaflada ku dhiganayey ayey khalkhaliyeen Boliiskii Kenya ayaa fanaanka u sheegay inay nabadgalyada meesha sugi Karin markaa kadib fanaanku beentii Heego ayuu bilaabay “CALANKA SOMALILAND BAA LA IGU ERYANAYAA “  wadaadow askari boliiska ah baad ahaan jirtaye hadaad fanaan tahay calanka waad ka saraysaa calan kastaa waa calankaaga kooxda “Rolling Stones” markay ka tumeysay Rio de Janeiro  Brazil waxa stadium ka lagu arkayey ilaa 150 calan in ka badan , Muwaadin ha dhageysan beenta Heego Inan yaroo kasta oo reer xamar ah Qurbe joog iyo Qaran Joogba waxay gacanta ku sidataa calanka Somaliland ma markay Maxamed Siciid BK arkeen ayey naceen calanka Somaliland ?!

Su’aasha aanu waydiineynaa Heego waxay tahay sawtii Kenya ina Ictiraaftay ma Alfanaan Maxamed Siciid BK ayey xaflad ku ilaalin kari wayday meeyey safiirkii ictiraafku safiir Baashe  Cawil  daa beentooda ayaa dib loogu celiyaa ee …..

Maanta waxa isna shalaadayey wiilasha maydka UCID ee aaska loo diiday  la sida Gudoomiye Faysal Cali waraabe oo leh Duqii Farmaajo ahaa ayaa lacag ku bixinaya khalkhalka Dadkan Kontaynerka ku jira ee ay Heego khalkahlisay  ………..Waar maandhow cago dhigta adiga iyo Jaale Maxmed Siciid BK  Jaalle Farmaajo lacag ma leh lacagta Dawalada Federaalka Somaliya iyadoo qadhqadhaysa ayey maalin walba Hargeysa soo gadhaa Duqa Jaalle Muuse Pilot iyo Heego waydii waxa lagu qabto waydinkii wada arkayey in Marwo Sayneb Al-xaaji Salebaan Nuur oo sida magaca ka muuqata ah gabadh uu dhalay Gudoomiyaha Gurrtidu lacag $ 70.000.000 Todobaatan Milyan oo Dollar ku dhaw qaybtii Somaliland Xamar ka keentay oo waxbarashada Somaliland loogu talo galay ……. Miyaad arkaysay fanaan qaabilay Fanaan BK airport-ka Hargeysa  waa radioactive shucaac baa ka baxaya xaga fanka curfi badan oo fanka ah buu jabiyey .Heego waxay dooneysa inay dadka ka wada dhigtoo Jiirkii Haanta Ku waynaaday Allah na waa inoo maqan  yahay …………..

 

Waa kan sawirkii badbaadada Xoolaha Somaliyeed shirkii Kampala .

Ahmed Jigga

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker