Ma xaqbaa mise waa xaqdaro xadhiga C/Maalik Muuse Coldoon?

Ciidanka nabad gelyada Somaaliland waxay goor habeen ah ku soo weeraren gurigisa samafale C/maalik, oo ku yaala magaalada Burco werarkasi oo sababay in uu  dhaawac  soo gaadho  saxafigan  waxay si dhuumasho ah ciidanku ugeeyen jelka Hargeysa.

 Sida la ogsonyahay cidankani may haysan warqada ogolanshaha soo qabashada (warrant letter) sida disturka Soomaliland ku xusan. Cida hadaba falkan samaysay waxay ku xad gudubtay sharicigi uyaalah  wadanka kaaso cidwaliba ay tahay in ay ilaaliso hadii ay dowladu iyo ciidanka nabad gelyadu sharciga ilalin waayan waxay sababaysaa fawdo iyo kala danbayn la aan. Wuxu qofka saxafiga ahi xaq uleyahay in uu fekerkiisa cabiro isago u xora isla markana  aan cidna ku gefayn. Waxay  hadaba beryahan danbe dawladu caadeysatey in ay cabudhiso ama ucaga juglayso saxafiyinta madaxa banaan iyo shacabkaba hadii ay ka soo hor jeestan habka ama hanaanka ay xukumadu wax uwado. Madama aynu qaadanay ama ku shaqayno sistamka dimuqraadiya (democratic system) waxay hadaba xadhigani iyo cabudhintan  dictatoriga ahi  jebinaysa habkii aynu ku soo caano maalay intii Somaaliland jirteyba oo ahaa hab dimuqraadi ah  Waxa hadaba   iswaydin mudan  ma hore aynu usocona mise dib?

Sidu abwaan xaaji Aadan Afqaloc laha:

“Dadko hore usocday ayay dib ugucleeyene”

 

 

 

Alla mahadleh

Qoraa: Farxaan  Aadan Warsame

farhaan02@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker