Kulan dhexmaray hogaanka dhalinyarada xisbiga Waddani iyo dhalinyaro reer Hargeysa ah.

War laga soo saaray Kulanka dhexmaraya hogaanka dhalinyarada xisbiga Waddani iyo dhalinyaradan reer Hargeysa ayaana u dhignaa sidan:-
“Hogaanka garabka dhalinyarada Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada MD Cabdirashiid Cabdi Jaamac, xoghayaha garabka dhalinyarada MD Cabdiqaadir Jaylaani iyo afhayeenka MD Cabdiraxmaan Ismaaciil ayaa galabta kulan la qaatay qaybo ka mid ah dhallinyarada iyo aqoonyahanka degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Masuuliyiinta ayaa xogwaran ka siiyay dhallinyarada xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorka dhalinyaradu ka qaadan karto isbedelka Xisbiga WADDANI wado kaalintooda khilaafaadka dalka ka taaggan.
Dhallinyarada ayaa sidoo kale aragtidooda la wadaagay madaxda Xisbiga islamarkaana muujiyay sida ay diyaar ula yihiin taageeridda isbedel lagu sameeyo hoggaanka dalka xilligan oo caqabado waaweyni haystaan bulshada Somaliland oo ay ugu weyn tahay duruufaha nololeed ee sicir bararku u horreeyo.
Waxa kale oo kulanka ka soo qayb galay xoghayaha dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase, Xoghayaha arrimaha bulshada MD Maxamed Sidiiq Dhamme iyo masuuliyiin kale.

May be an image of 12 people, people sitting and people standingMay be an image of 11 people, people sitting and outdoorsMay be an image of 3 people, people standing, people sitting and outdoorsMay be an image of 11 people, people sitting and people standing

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker