Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Bari dib u Dhacay iyo Galbeed Loo Hiiliyay (Qaybtii 69aad) Qore : Maxamed Xoosh

Shaki kama taagna in Bari iyo Galbeed Somaliland kala hormarsan yihiin dadkooduna kala ilbaxsan yahay Sababo iyo duruufo kala duwan oo keenay awgeed
Waxaan Xusuustaa Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal wuxuu ku tiraabay khudbadiisii ugu horeysay markuu xilka kula wareegay “Bari iyo Galbeed Wey Kala Horeeyaan Wuxuu ku daray BOORAMANA sanadkii 7aad ayaa jaamacado laga baxayaa BARINA magaalooyin waaweyn ayaan DUGSIYO hoose lahayn , Waxaan Isku Dayi Doonaa inaan isa soo gaadhsiino”
Dadku horumarka waxay u haystaan dhaqaalaha oo keliya balse mar ayay Dawladnimadu u kala hiilisaa deegaanada iyadoo marka horeba tuhun jiray IN BERBERA-HARGEYSA-GEBILAY-BORAMA ka hormarsan yihiin deegaanada bariga somaliland ayaa waxa tuhunkaa sii xoojiyay Jamhuuriyada Somaliland oo Caasimadeedii ka dhigatay HARGEYSA , DEKADDII BERBERA, Caasimadii Dhaqaalaha WAJAALE , Caasimadii Aqoonta BORAMA …
Tusaale Dhulka ama Jagadda ku taal Xaafadaha hareeraha Hargeysi waxay ka qiimo badan tahay 100 baloodh oo ku yaal magaalooyin waaweyn oo gobalada bariga ku yaal
Lama yaabo arimahaas waayo barigii ay jirtay Jamhuuriyadii Soomaaliya ee Muqdisho magaalo madaxda u ahayd ku dhawaad 60% hantida Soomaaliya taal waxay taalay Muqdisho
Maanta magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda waxaa ku nool ku dhawaad 1.5 Malyuun iyo Badh Dad ah oo u dhiganta 3 Somaliland ku nool Qof ka mid ahi Caasimada ayuu joogaa , waxaa dheer Dadkii Somaliland Intoodii ugu Hantidda, Cilmiga, Ama Qurba Jooga, Mihnadlayaasha , Suugaan Iyo Fan , Sharkado iyo Ganacsi , Dugsiyo Iyo Caafimaad , Siyaasad Iyo Xisbiyo , Shaqaale Dawladeed iyo Ciidan Bileys Iyo Qaran …… Waxay iskugu soo urureen Hargeysa !!!
Madaxweyne Muuse Biixi Barnaamijkiisa Siyaasiga ahaa iyo aragtidiisa ku aadan Gobalada Bariga wuxuu ku tilmaamay “Reer Galbeedka Culays Ayaa Saaran oo Waxa Laga Doonayaa In Ay u Noqdaan Walaalahooda Bariga MUSHIINKII Gaadhiga Dhaqaajinaayay Ee Isku Haynaayay Labada Gobal” Waa siyaasad CAD oo macnaheedu tahay dadku waa muwaadiniin walaalo ah oo dalka wada leh waa arin wax wada lahaanshaha xoojin kara , Muuse Biixi wuxuu ka warar qabay in badanna ku celceliyay SINAANSHAHA BULSHADA YAAN LAGA TEGIN oo u jeeday marka la fasiro “Galbeed wax badan haysta iyo Bari aan waxba haysan”
Waa arinka Cali Khaliif Galaydh oo doonaayo in uu ka dhaadhiciyo dadka Galbeedka degan Axmed Ismaaciil Samatarna doonaayo in la xoojiyo si wada lahaanshuhu XALAAL u noqdo
Waa arinka Xisbiga Wadani in badan ku celceliyay oo fasiraad iyo furfurid u baahan
Qoraalkanni waa ARAGTIDAYDA ii gaar ah Run Iyo Beenba wey noqon kartaa
Allaa Mahad Leh
Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker