Turkiga: Tiro dad ah oo ku dhimatay qarax ka dhacay god dhuxusha laga qoto

Waxaa loo maleynayaa in 40 qof ay ku dhimatay qarax ka dhacay god dhuxusha laga qoto oo ku yaalla waqooyiga Turkiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalkaas.

Suleymaan Soylu wuxuu sheegay in 58 macdan-qodeyaal ah laga soo badbaadiyay godka halka 11 qof ay waxyeello oo soo gaartay.

Ku dhawaad 110 macdan qodeyaal ah ayaa ku jiray gudaha godka xilli uu qaraxa dhacay Jimcihii.

Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa tan iyo xaley qodayay godka si ay usoo samatabixiyaan macdan-qodeyaasha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker