Tuugtii Saboolka ka taajirtey “Lords of Poverty and Servants of the Poor”

Qormadan gaaban waxan ugu horraysiinayaa afeef ah inaan anigu ahay muwaadin caadi ah, siyaasad aanan weli gelin, dan gaar ahna aanan ka lahayn haba yaraatee. Waa cabbir fikirka saliimka ah ee muwaadinka oo ay ku jirto nahyu canil munkar, ama xumaanta in laga hortago in waajib inna wada saaran ay tahay.
Sida uu ku qoray qoraaga Ingiriiska ah ee Graham Hancock buuggiisa “Lords of Poverty and Servants of the Poor (1991)”, caawimada dibeddu waa wax xumaan dhaafay oo ay habboon tahay in gebi ahaanba la joojiyo, wuxuuna ku sababeeyey inaanay haba-yaraatee waxtar u lahayn dadka saboolka ah, balse ayba waxyeello ku tahay. Asal ahaan, ujeeddada Caawimada dibeddu waxay tahay in khayraadka laga keeno waddamada hore-u-maray si loo caawiyo waddamada saboolka ah.
Haddaba, sida uu buuggiisa ku qoray Hancock, wax ka badan 80% lacagta caawimadu waxay ku baxdaa kharashyada kala duwan ee haya’daha qaramada midoobay iyagu galaan, oo ay ka mid tahay mushaharka iyo gunnooyinka shaqaalohooda ajnebiga ah. Hay’adaha Qaramada Midoobay waxa ka sii daran kuwa caalimiga ah ee aan dawliga ahayn oo iyagu u badan dillaaliin, jidgoyn ugu jirta wixii fara-guudkood loogu wado saboolka.
Isaga oo arrintaas ka hadlaaya gabayaagii weynaa ee Tima-Cadde wuxuu sannadihii 60-maadkii fahamsanaa in caawimada reer galbeedku aanay waxtar lahayn balse ay tahay belaayo dhibaato uun huwan waxana uu ku cabbiray tix gabay ah oo aan ka xusuusto:
“Macaluul wax kaagama taraan, maal laguu guraye
Midigtaadu waxay xoogsataa, maydha gaajada’e
Mas waabaydii lama dhuunyado, iyo midho dhunkaaleede,
Manfac aan la cunin baa jira oo mawdka kuu sida’e
Maraykan iyo waa kan ay baxshaan, madaxda NATO’e”
Waxaad la yaabaysaa in tixda noocaas ah uu gabayaa Somaliyeed oo 1950 amd 1960 joogaa uu sidaas u fahamsanaa, Somalida maantuna waxay gaadheen heer ay khaaliqii abuuray ee raasiqa ahaaba ku kalsoonaan waayaan oo hay’ad uun wax ka sugaan.
Wax badan ku tiigaali maayo oo waa laga dheregsan yahay in hay’adaha waddanka joogaa sidaas uu Hancock-ba bilowgii 1990kii qoray ay dhibaato uun la joogaan waddan ee waxtar aanu jirin. Balse maxaa cusub? Maanta waxaa cusub tan iyo intii dawladdii dhexe ee Somalia ay burburtay 1991dii, hay’aduhu waddanka dawlad ayay ka noqdeen. Hadda waad ila yaabi! Dawlad aan iyaga ahayni ma jirto! Tusaalle ahaan Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyey xeer ay ugu magac dareen “NGO Law” oo waxyaalo aan sii buurnayn oo yare xakamayn lahaa NGO-yada ay ku jireen. Waa lagu dhici waayey in la fuliyo. Nin Kenyan ah baan beri ka sheekaysanay xeerkaas iyo sida uu u arko. Wuxu igu yidhi “madaxweynuhu haddii uu isku dayo inuu fuliyo, wallahi inuu hurdada qaban waayi, oo 5000 oo telephone ku soo dhici, oo jiif iyo joogba loo diidi!”
Aaan ku soo dhowaadee sidee bay dawlad uga yihiin dalkeenna Somaliland metelan? Horta waan ognahay oo waddanka horumarintiisa waxa haga Qorshaha Horumarinta Qaranka ee “National Development Plan” la yidhaahdo. Yaa innoo sameeyey? I rumaysta, wallahi waa markhaati ma doon in haya’duhu innoo malmalluuqeen. Waxaad igula doodi Somalilander baa sameeyey. Miskiin, dee waa runtaa oo qaar baa lagu sawiray “as if they were the real actors, but they were not”. Waxa ku qoran qorshahaas Horumarinta Qaranku badi kama turjumayso baahiyaha dalkeenna, iyo sida ay u kala mudan yihiine, wuxuu ka turjumayaa baahiyo mala’awaal ah oo ku salaysan waxa rag inna majar habaabinayaa innoo go’aamiyeen si aynaan daneheenna ugu tashanin, baahiyeheennana siday u kala horreeyaan wax uga qabsan. Ka soo dhaqaaq, wasaarad walba iyo hay’ada walba oo dawladeed qaybtii qorshaha qaranka kaga soo hagaagay bay u beddeshay “Policy and Strategy” ama siyaaadda iyo istiraatejiyad sida siyaasadda iyo strategy-yadda waxbarashada (Education Sector Policy and Strategy), Tan caafimaadka (Health Sector Policy & Strategy) iwm. Yaa innoo qora siyaasadahaas waxqabadka hagi lahaa ee heer wasaaradeed? Dhammaantood waxa qoray hay’ado, wasaaradahana waa lagu sawiraa. Marka ay fulinta siyaasadda timaadona, waxay hay’aduhu wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo dawladeed u samaysteen dad ay kiraysteen oo ugu yeedhaan la taliyayaal farsamo (technical experts); kuwaasi ama waa Somalilander ama waaba ajnabi. Somaliga la taliyaha farsamo waxa bishi la siiyaa mushahar dhan US$2000, mushaharkaas oo ka sarraysa xitaa inta Wasiirku qaato. Wax kasta oo ka socda wasaaradda ama hay’adda dawladda waxay ka bixiyaan warbixin joogto ah. Haddii wasaaraduhu ay wax aan qorshahaas ah ikhtiraaca is yidhaahdaanna cid xagga maaliyadda ka caawisa ma haystaan! Markaas way ku baastoobaysaa ama ku baarixi garoobaysaa! Haddii aad nasiib daran tahay, waxad tegi doontaa shirarka ka socda wasaaradaha dawladda billaha ah ee hay’aduhu wataan. Dhammaantood waxa guddoominaya ajnabi ka socda hay’ad, oo masuuliyiinta wasaaradduna ag fadhiyaan, balse go’aamada oo dhan iyo hab-socodka waxa iska leh hay’adda iyo guddoomiyaha u fadhiya meesha. Waar sidan aan isu dhaanno. Madaxweyne Muuse Biixi waxan odhan lahaa “Waari mayside War ha kaa hadho”. Hay’adaha qaramada midoobay waxaa badi xukuma niman Qaaradda Asiya ka yimid sida Hindi, Baakistaan, Bangaaliyiin iwm. Kuwaasi hore ayay innoo soo marin qarnigii hore oo waxaa innoo keenay gumaysigii Ingiriiska; waxana la wariyaa in waxa ugu daran ee Somalidu uga caban jirtay dawladdii Ingiriiska ay ahayd nimankaas Aasiya ka yimid oo Hindi u badnaa. Waa kii abwaankii weynaa ee Xaaji Adan Af-qallooc dareen diidmo ah ka muujiyey dhaqan ee dadka u sifeeyey bilowgii 1930 ama 1940kii:

“Amlaa kuma lahaan jirin Berbera idilka Soomaale,
Nin abbaan ah mooyee mushtare, lama aqoonayne
Ardal Baaniyaal iyo Hindi baa ubuxu saarnaaye,
Adeeggay idiin diran jireen, aqal aad fiiqdaane
Iyagaa aasaastaye, nin kale kuma ilwaadnayne
Idinkoo afmeerkiyo ka yimid, idhanka gaaroodi
Oo soo arraday, oo Berbera adhiyo Geel keenay
Ahminkaaga goortaad gaddo, aad imato daaskooda
Haddaad tidhaa ascaarta iyo maryaha iibku wuxu joogo,
Af-ku dhabasho mooyee, su’aal ma oggolaanayne
Sida eyda iyo dacawaday idin eryaayeen
areemaad (hooyadaa waxaa ku samee hindi ah) arjood iyo xumaad ku oggolaydeene
ihaano iyo quudh baad qabteen, edebtu diiddaye”.
Waddamada ay ka yimaaddeen Hindida iyo Baakistaantu, waa dhul lagu hoogay oo dadku sharaf iska laalay, oo maxaad cuntaa loo nool yahay, sababtoo ah tiradii dadka oo xad dhaaftay. Waxay yaqaannaan keliya 2 arrimood A) Inay qofka ka sarreeya iska dhaadhiciyaan oo “Yes, saab – Yes, sir-tu badato” B) Inay wixii loo diro sida ey qabo la yidhi u fuliyaan, iyagoo wixii markaas aanay dani kaga xidhnayna cagta hoos gelinaaya. Haddii dani kaaga xidhan tahayna intuu miskiin iska dhigo ayuu kabaha kuu leefi. Su’aasha meesha taallaa waxa weeyaan, Hal qarni kaddib, ma idinla tahay inaan ku noqonay 1930-gii. Haddii aad igu odhan lahayd cunsuri baad tahay, hadda maan diidin, madow iyo caddaan, iyo muslin iyo gaal toonna, waxan ka hadlay uun dhaqan xumada duulkan, oo ah sababta ugu weyn ee loo soo shaqaaleeyey. Somalida kuwan ka hoos shaqaysaana waxba kuma noola ee waad dad la laayey oo kale, ama la addoonsaday. Waa kii Sayid Maxamed Hindida sida ay Somalida u addoonsadeen ka tiriyey Gabay ay ka mid ahayd”
“Hindigii Berbera joogi jiray, hil uma qaadeene
Heeryada xammaalka ah garbaha, ma ayan hoosheene”.
Haddaba bilowgii qormadan aan ku noqdee, qoraagii Ingiriiska ahaa ee Graham Hancock buuggiisa wuxu ku qoray 80% lacagtu waxay ku baxdaa haya’daha keena kharashkooda. Taasi waa xaqiiqatul maka oo waa sidaas, waayo waa waxa aan maalin walba u joogno ee marag ka nahay. Tusaalle ahaan haddii ay haya’d ajnabi ahi mashruuc 2 milyan oo dollar ah ku soo qaadato Somaliland, waa in 1,600, 000 (Hal miyan iyo lix boqol oo kun) iyada ku baxdaa. Afarta boqol ee kun ee soo hadhana waa in lagu qabtaa wax aan dalka manfac u lahayn. Hadda 4 boqol oo kun oo dollar lacag yar maaha. Waxay qodi kartaa ilaa 50 berkedood oo biyaha lagu kaydiyo oo midkiiba 8000 USD ku baxdo. Waxay dhisi kartaa oo qalabayn kartaa cisbitaal weyn oo ummadda u adeega muddo hal qarni ah, waxay qalabayn kartaa 100 school in ka badan, waxay dhisi kartaa waddo ilaa 3 km ah. Waxay beeraha u kirayn kartaa cagaf qodda 4000 oo saacadood wax ka badan. Halkii waxaas lagaga qaban lahaa oo muhiimadda 1aad innoo wada ah, waa in lagu qabtaa wacyi-gelin, xuquuqul insaan, kufsi laga hadlo, ilaalinta carruurta (child protection), xuquuqda dumarka….huuhaa, huuhaa, shirar lagu dawakho, isku xidh (coordination)…huuhaa, huuhaa. Immisa wax oo kale oo ka muhiimsn waxyaalahaas kore bay u baahay yihiin dumarka, carruurta iyo bulshada kaleba: Biyo, caafimaad, waxbarasho, hoy, shaqo-abuur, dakhli abuur! Haddab wasaaradda qorshaynta way soo maraan dhammaan warbixinta sannadka ee hay’ad kastaa oo ay ku jirto waxay kharash isticmaashay sannadkaas. Waxa kaliya ee la la’yahay cid baadha oo taxliil (analysis) ku samaysa kharashka ay galeen iyo waxa ay ku isticmaaleen oo su’aalo ka weydiisa. Waabay shakiyi lahaayeen, oo sidan si bay isugu dhaami lahaayeen.
Dawladdu waxay kari weyday inay tidhaahdo mashruuc kasta 20% ka dhiga huuhaada, 80%-ka soo hadhana adeeg waxaan ahayn laguma qaban karo. Waxay yidhaahdaan dawladda ayaannu u dhisaynaa habka shaqada (system building). Bal u fiirsadoo ma systemka ayay burburinayaan, mise system bay la dhisayaan. Wallahi, qofka is leh wax bay kuu dhisayaan inaanu habeen jirin. Dacawadii reerka yeesha ka cuntay waxay tidhi, wallee reer aan ogahay ma guuro. Waxa keliya ee ay doonayaan waa in aan iyaga ku tiirsanaano, dabadeedna fikirku innaga guuro, oo markay doonaanna ay innooga baxaaan, dabadeedna wuxuba isla dumaan. Somaliland dadkeedaa dhistay, oo nabadeeyey. Haddii ajaanib loo yeedhan lahaa, way inna dumin lahaayeene, wax innoomay dhiseen. Adiguba fikiroo, bal muxuu kuula dhisayaa qof aan kula lahayni? Waxyaalaha yaabka leh ee adduunka ay yar tahay inay ka dhacaan waxa weeyaan, haya’d toos wax u fulinaysa oo ilaa tuulooyinkaagii kuu dhaafaysa; oo reer miyigii toos ula kulmaysa, oo dumarkii gaar ula shiraysa, oo carruurtii gaar ula hadlaysa, oo iyadii keliya ah. Waxay ahayd in hay’adaha laga joojiyo inay toos wax u fuliyaan iyagu oo ay ama dawladdu fuliso waxa ay wadaan, ama hay’ad waddani ahi. Waa xaaraan inay noqdaan awr dabar la’aan dhacay, oo ilaa cumaacumaha inna socdaan!

Wasiirkii qorshaynta ee hore ayaa maalin nooga sheekeyey niman hay’ad ah oo ula yimid lacag, waxay igu yidhaahdeen buu yidhi waxaas baannu ku qabanaynaa; aniguna waxaan soo jeediyey wax kale. Intay igu xanaaqeen bay yidhaahdeen “Lacagtan annagaa iska leh, ee ama sidaas aannu wadanno oggolow, ama Puntland and Koonfur baannu la tegi”. Wasiirku halkii uu ka odhan lahaa “cirka la tag, haddii aanad waxaan rabno ku qabanaynin” wuxu yidhi waayahay baan ku idhi! Qiyaastii wasiirka daba-ka-werwer ah in madaxda sare badhi furto ayaa hayey, oo wuu iska xaal mastuurtay. Akhristow, adigu maxaad yeeli lahayd, haddii aad wasiirkaa noqon lahayd?
Waxaa markhaati ma doon ah in beeraha hore la innooga naafeeyey oo xitaa siidhkii asalka ahaa laynaga cidhib tiray oo la innoogu beddelay mid hal mar keliya beerma (one time use). Maanta waxa socda barnaamij laynagaga cidhib tiri rabo tacabka xoolaha nool oo laf-dhabarta dhaqaaleheenna ah. Xoola-dhaqatadii waxa loo sameeyey wax la yidhaahdo Cash voucher ama Cash transfer, oo ah lacag caddaan ah in la siiyo. Taasi waxay ka dhigan tahay inay joojiyaan tacabkii xoolaha ee hawsha badnaa, noqdaan qaar ku xisaabtama lacag si fudud ku soo gasha, marka ay halkaas gaadhaanna sidii sheydaankii dadka intuu duufsado, hadhow odhan jiray anigu beri baan kaa ahay, ilaahay baan ka baqayaa … lagaga baxo. Isku kalsoonida xoola-dhaqatadu waa waxa keliya ee reer galbeedku ka yaabeen. Waxay arkaan reer 50 adhiya leh oo aan wax ka maqani jirin, oo weliba aad isula han weyn. Markaas taas weeyaan tan duullaanka lagu yahay. Waa in dadka oo dhan dewersadayaal laga dhigaa, ku hadaaqaya hay’addu maxay waddaa…!
Aan baab kale saaro’e, nimankii maydka siday ee uu ka dhacay, waxay yidhaahdeen, “hadduu sii go’ay”. Somaliland waxay sii go’day markii madaxdii dawladdu u badatay niman 2 passport sita oo Diaspora la yidhaahdo ama Qurbajoog. Dadka qaarna uba yaqaanaan Dayuus-Beera! Markaan niman idhi, hablana way ku jiraane, rajada la qabay waxay ahayd in Madaxweyne Muuse Biixi oo ah Qolqol joog, uu innaga moosi doono bullaacaddii dawladdii hore ee Axmed Siilaanyo innagu soo furtay ee qurbaha ka soo jabtay. Waxaan filaynay inaanay dawladda cusub wax ka badan 10% ka helin. Taasi ma dhicin, welina bulshadu kamay rajo go’in. Lagama yaabo nin reerkiisii Europe ama Waqooyiga Ameerika deggan yahay, oo mar kasta tegayaa inuu danta dalkeenna iyo dadkeenna difaaco ama ka shaqeeyo, waayo haddii uu hadlo, wuxuu ka baqanayaa danihiisa dibeddu inay khalkhal galaan. Halkan badi way u soo boob tageen, odhan maayo shaqo-tageen, waayo wixii aynu ka aragnay baa furaya arrinkaas. Waxay Europe innagu soo rartay kooxo dhan oo ay u sameysteen mashruuc la yidhaahdo “Diaspora Reintegration” oo ay Malaayiin dollar ku bixiyaan oo mushahaarooyin ugu qoraan dad ay soo carbisteen oo ay hay’adaha dawladda dhex dhigeen. Badi kuwaasi aqoon malaha, oo waan arkay, shahaadooyin been abuur ah bay soo samaystaan, markaas baa khabiir lagu sheegaa.! Europe markay joogaanna maqaaxiyaha ayay subaxdii soo fadhiistaan, galabtiina ka carraabaan, oo xitaa 1% wax kama baranin

Hadaba waxani wax laga geyoonaayo maahee, halkaas maanta aan ku hakiyo. Madaxweynaha ayuu xilku saaran yahay bal inuu wax yarna ha ahaatee sidan wax ka beddelo. Waari mayside, war ha kaa hadho!

Toosh ku ifiye,
MCM,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker