Dagaal culus oo ka socda deegaanka Rafah

Rafah oo ku taala koonfurta Marinka Gaza ayaa noqotay furin dagaal, ka dib markii uu xoogeystay dagaalka ka dhashay hawlgalada ay Ciidamada Israel ka bilaabeen deegaanka ku yaala xadka Marinka Gaza uu la wadaago dalkaasi Masar.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalo culus ay tan iyo Sabtidii ka socdaan bariga Rafah, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidamada Israel iyo Xoogaga Ururka Xamaas.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qarxay, ka gadaal markii Ciidamada Israel ay isku dayeen inay si qoto dheer isugu fidiyaan xaafadaha halkaasi ku yaala.

Ciidamada Israel oo sida la sheegay si taxadar leh hawlgalo uga waday guryihii laga barakacay ayaa dagaal culus kala kulmay xoogag u abaabulan kooxo.

Dhisme ay ka dagaalamayeen Ciidamada Israel ayaa lagu qarxiyay, waxayna Xamaas sheegtay in goobtaasi ay ku dishay 15 askari.

Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam ayaa war uu soo saaray ku sheegay in goob kalena oo Rafah ku taalo ay ku dileen 5 ka mid ah Ciidamada Israel.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqayn culus ku haya Rafah, iyagoo xitaa garaacaya waqooyiga deegaankaasi, oo aan ku jirin meelaha ay Israel sheegtay inaysan hawlgalka ka samayn doonin. Israel ayaa horey u iclaamisay in hawlgalka ay marka hore ka samayn doonto bariga iyo koonfurta Rafah, waana meelaha ay dadka ku wargelisay in ay banneeyaan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xalay sheegtay in Israel ay duqaymaheedan ku dishay daraasiin Falastiiniyiin oo rayid ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Rafah ay ka socdaan dagaalo ay ku sheegeen kuwoodii ugu xooganaa ee ka dhaca deegaankaasi.

Xoogaga Xamaas ayaa waddooyinka xaafadaha kula dagaalamaya Ciidamada Israel, iyagoona ka hortaagan inay u gudbaan qaybaha kale ee Rafah.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in ciidamadu ay dhibaato ka haysato iska caabinta, sidaasi daraadeedna ay dalbadeen gurmad dheeraad ah.

Wasaaradda Difaaca Israel ayaa si degdeg ah guutooyin cusub ugu daabuleysa bariga Rafah, ka dib markii loo yeeray ciidamadii kaydka ahaa.

Yoav Gallant, Wasiirka Difaaca Israel ayaa mar sii horreysay sheegay in illaa iyo hadda ay ciidamadu burburiyeen tiro waddooyin ah oo Xamaas ku lahayd dhulka hoostiisa.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in uu qorshuhu yahay in la wiiqo cududda Xamaas ee koonfurta Marinka Gaza, gaar ahaan Rafah.

Rafah oo billihii ugu dambeeyay ahayd aag bani’aadantinimo ayaa maalmo gudahood isugu bedeshay furin dagaal, waana goobtii ugu dambeysay ee ay dadka barakacayaashu gabaadsanayeen.

Dad tiradooda lagu qiyaasay 1.5 milyan oo qof ayaa deganaa deegaanka ku yaala cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, ka hor inta aysan Ciidamada Israel dhulkaasi ka go’doomin dhanka Masar.

Jimcihii, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in gaadiidkii ugu horreyay oo gargaar raashiin ka qaada dekedda macmalka ah ee ay ka dhiseen xeebta Gaza ay geeyeen bakhaarada Qaramada Midoobey, iyadoo markaasi laga jawaabayo digniinaha la xiriira in xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka go’doonsan ay qarka u saaran tahay inay faraha ka baxdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker