Farmaajo oo war ka soo saaray go’aannada shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag u dhaliilay qoddobadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Farmaajo waxa uu sheegay in Qoddobada ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ay khatar ku yihiin Dowlad-dhiska iyo midnimada dalka ayna sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, ayna dhaac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka.

Warsaxaafadeedka Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa kale oo qoddobadiisa ka mid ahaa :

1. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Puntland:

Puntland in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyada oo iska indho-tiraysa tabashada Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha.

2. Laalidda Dastuurkii la isku waafaqsanaa:

Laalidda dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda. Waxaa laga filayey shirku in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay’adaha Federaalka.

3.Hor-istaagga Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada:

In laga hor-istaago dowlad goboleedyada doorashada, iyada oo waqtigii loo muddeeyey uu dhammaaday waa afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya hannaanka iyo xasiloonida dalka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha dastuurka KMG ah, in uu ku dhiiri galiyo in dawlad goboleedyadu ku shaqeeyaan maandhayd iyo sharciyad la’aan, waxay dalka ku hagaysaa mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

4.Heshiisyada Hore ee aan Dastuuriga ahayn:

Waxaa la yaab ah in heshiisyadii hore oo aan dastuuriga ahayn ee fashilmay wali lagu baaqayo in la fuliyo, taas oo ka dhigan in xaqiiqada la iska indho tirayo.

5.Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod:

Waxaan si adag uga digaynaa hannaanka doorasho ee aan la isku waafaqsanayn ee ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran. Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu caddaynayaa danihiisa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker