Askar Jidgooyooyin dhigatey Bardaale oo xukuno adag lagu riday

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida qaybteedda 60-aad ayaa galinkii danbe ee shalay xukuno kala duwan ku ridday ku dhawaad 30 askari oo lagu eedeeyay inay jidgooyooyin dhigteen degmada Bardaale ee Gobalka Baay.

Ciidamadan ayaa lagu eedeyey in ay isbaarooyin fara badan dhigteen,degmadda Berdaale,waxaana lagu ridey xukuno kala duwan,Askarta xukunka lagu ridey waxa ay isugu jiraan kuwa dawlada Fedederaalka  iyo Dawaawiishta Koonfur Galbeed.

Askarta la xukumay ayaa afar iyo toban kamida waxaa lagu xukumay  shano oo xabsi ciidan ah, halka sagaal kamida waxaa lagu xukumay Saddex sano oo xabsi ciidan ah, waxaa lasii dayaayey sideed kamida Askartan lagu eedeyey in ay dhigteen Isbaaro.

Waxaana  ku dhawaaqay xukunka askartan guddoomiyaha ciidamadda Maxkamadda qalabka sida qaybteeda 60-aad Aadan Abukar Muxamed.

Geesta kale taliska qaybta Booliska gobolka Baay ayaa amaro culus kasoo saaarey,dadka hubka sharci daradda ah ku dhex wata Berdaale,waxaana loso jeediyey in ay iska diwaan galiyaan Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed.

Talisku waxa uu amar ku bixiyey in aan hub ayna dawladdu ogeyn lasoo galin karin deeeganadda Koonfur Galbeed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker