Somaliland: Barnaamijka Shaqadda Qaran Waa Mid Loo Baahnaa

Barnaamijka Shaqadda Qaran ee bishan laga bilaabay dalka waa mid aad iyo aad loogu baahnaa. Qaybtan ugu horreysa ee laga fuliyey Akaadimiga Carbis, waxaa loogu talo galay ardayda ka soo qalin jebisay jaamicadaha dalka. Hase ahaatee, waxaa loo baahanyahay in lagu daro ardayda dugsiyadda sare, marka ay fasaxa galaan ama intaanay u gudbin jaamicadaha.
 
Barnaamijku wuxuu dhisayaa kalsoonida ardayda iyo  barashadda dalkooda iyo dadkooda, sida uu ku sheegay khudbadiisii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
 
Shaqadda Qaran waa barnaamij laga isticmaalo dalal farabadan oo adduunka ku yaal. Waddanka Mareykanka oo iyagu u bixiyey barnaamijkooda “Peace Corps” waxay in badan ka soo shaqeyn jireen waddamo badan oo Afrika ku yaal, oo ay ka mid ahayd dalkii la odhan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Turkigana waxaa la bilaabay markii uu Kamal Ataturk laga wareegay xilka dalka ee ay burburtay Boqortooyaddii Osmanli. 
 
Barnaamijka shaqadda qaran iyo ardayda ka qayb qaadata waxay dalka iyo dadkaba uu kordhin waxqabad laxaad leh. Haddii ay noqoto samafalka, waxbarashada, caafimaadka, tirikoobka, iyo waxyaabo kale uu kor u qaadaya horumarka Somaliland.
 
Markaa waxaan leeyahay, Mabruuk, halkaa ha laga sii wado. Qaran waxaa dhisa dadkiisa.
 
 
Allaa Mahad Leh
 
Axmed Kheyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker