Amnesty oo sheegtay in 23 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymo uu Turkiga ka geystay Soomaaliya

Amnesty International ayaa sheegtay in 23 qof oo rayid ah lagu dilay labo weerar oo ka dhacay Soomaaliya oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB-2 oo ay samaysay shirkadda Turkiga ee Baykar, taasoo ay sheegtay in laga yaabo inay noqoto dambiyo dagaal.

Amnesty waxay sheegtay in weerarradaas oo dhacay 18 March 2024, lala beegsaday dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween, kuwaas oo ka soo jeeda qabiilka Gorgaarte ee la hayb sooco.

Dadka deegaanka ayaa Amnesty u sheegay in duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyagoo daba socday dagaal fool-ka-fool ah oo horraantii maalintaas dhex maray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga waa in ay baaritaan ku sameeyaan weerarradan dhimashada badan oo ah dambi dagaal, ayna joojiyaan weerarrada aan ka fiirsiga lahayn ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah,” ayuu yiri Tigere Chagutah, Agaasimaha Gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Ururka caalamiga ah ayaa sheegay in cilmi-baarayaasheedu ay xaqiijiyeen in weerarrada lagu qaaday hubka loo yaqaano “MAM-L glide bombs, kuwaas oo laga soo tuuray labo Drone.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Amnesty u sheegay in ciidamada milateriga Soomaaliya ay duuliyaan TB-2 xilliyada ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Amnesty ayaa sheegtay in 5-tii April ay warqad u dirtay dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, si loo xakameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka,  balse ma aysan helin wax jawaab ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker