Waa kee Waddanka Carbeed ee haweenkiisa u fasaxay inay guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn

Dowladda Tunisiya ayaa baddashay Xeerka islaamiga ah ee haweenka muslimiinta ah ka mamnuucaya inay Guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn.

 

Haweeney afhayeenad  u ah madaxweynaha dalkaas Beji Caid Essebsi ayaa ku dhawaaqday arrintan waxayna dumarka ugu hambalyeysay helitaanka “xorriyadda ku saabsan in qof walba uu guursado qofkii dookhiisa ah”.

 

 

Ilaa hadda, nin walba oo aan muslim ahayn haddii uu damco inuu guursado haweeney reer Tunisia ah oo muslimad ah, wuxuu ku khasbanaan jiray inuu soo islaamo, islamarkaana uu soo bandhigo shahaado caddeyn u ah inuu diinta islaamka qaatay.

 

Dalka Tunisia oo 99% muslim ah ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dalalka carabta ee horumarka ugu weyn ka gaadhay ilaalinta xuquuqda haweenka.

 

Isbaddalka cusub ee lagu sameeyay sharciga ayaa yimid kaddib markii uu madaxweyne Essebsi ku dadaalay in meesha laga saaro xeerka xaddidaya guurka haweenka muslimiinta ah ee waddankaas, kaasoo la meel mariyay sanadkii 1973-kii.

Khudbad uu bishii lasoo dhaafay ka jeediyay munaasabadda dabaaldagga maalinta haweenka ayuu ku sheegay in Xeerka xaddidaya guurka “uu caqabad ku noqday xuquuqda uu qofku u leeyahay inuu dookhiisa guursado”.

 

Xaddidaaddaas ayaa sidoo kale loo arkayay mid aan waafqsaneyn dastuurka Tunisiya ee la dhaqan galiyay sanadkii 2014-kii, kaasoo uu sabab u ahaa kacdoonkii loo yaqaannay gugii carabta.

oo ahaa kacdoonkii shacbiga Tunis ee ku faafay dhamaan wadamada Cabeed.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka howlgala Tunisiya ayaa iyana in muddo ah u ol’oleynayay in meesha laga saaro xeerka isku diidaya haweenka muslimiinta ah iyo ragga aan muslimiinta ahayn.

Amarka ay madaxtoooyadu hadda soo saartay ayaa u dhaqan galaya si deg deg ah, lammaanuhuna waxay xor u yihiin inay warqadahooda meherka ka diiwaan galiyaan xafiisyada dowladda.

Muhiim ma tahay tallaabadan?

Sida ay sheegtay Rana Jawad, oo BBC News uga soo warranta magaalada Tunis, dad badan oo reer Tunisiya ah ayaa tallaabadan u arka guul kale oo laga gaadhay hirgalinta xuquuqda haweenka ee waddankaas.

 

Waxay arrintan Tunisia ka dhigeysaa waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika oo laala sharciga ku saabsan  guurka oo  waafaqsan diinta  Islaamka.

Horay waxaa ragga muslimiinta ah ee dalkaas loogu oggolaa inay guursadaan haweenka aan muslimiinta ahayn.

 

Dalka Tunisiya waxaa ku nool dad Yuhuud ah iyo masiixiyiin tiro yar. mana cadda sida sharciyada guurka xaddidaya loo waafajin jiray.

Bishan  Jully gudaheeda, baarlamaanka Tunisia ayaa meel mariyay sharci cusub oo soo afjaraya Xeer horay u dhigayay in ragga kufsiga geysta ay Ciqaab walba ka badbaadaan haddii ay guursadaan gabdhaha ay kufsadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker