Guri ku dumay magaalada Nairobi iyo baaritaanno socda

Dhisme ka kooban 5 dabaq ayaa ku dumay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya habeenimadii Talaadada, waxaana la sameeyay gurmad ballaaran oo ay hormuud ka ahayd hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya.

Dhismahan ayaa ku dumay xaafadda Uthiru – oo ku taalla duleedka magaalada – iyadoo wararkii ugu horreeyay ay sheegayaan in tobaneeyo qof ay ku hoos jiraan burburka.Laakin saaka Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in dhammaan dadkii degganaa guriga dumay tira koob lagu sameeyay, laakin weli lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah.

10 qof oo dhaawacyo fudud qaba ayaa la geeyay xaruumha caafimaadka. Muuqaallo dhowr ah oo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay dhismaha oo sii liicaya, iyadoo dadkii daawanayay ay qayliyeen.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegaya in weli la wado baaritaan lagu hubinayo haddii dad ay ky hoos jiraan burburka dhismaha.

Maalmahaan magaalada Nairobi iyo deegaanno kalaba waxaa ka da’ayay roobab xooggan oo gaystay khasaare nafeed iyomid maaliyadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker