Daadadka Kenya oo sare u qaaday halista cudurka daacuunka

Ugu yaraan 44 xaaladood oo cudurka daacuunka ah ayaa laga soo sheegay ismaamulka Tana River ee dalka Kenya, iyadoo fatahaaduhu ay sare u qaadayaan khatarta faafitaanka cudurada ka dhasha biyaha.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo soo xiganeysa tiradaasi ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay isha ku hayeen xaaladda caafimaad iyo wax ka qabashada guud ahaan dalka wixii ka dambeeyay fatahaadaha.

Daadadka ayaa saameeyay in ka badan rubuc milyan qof iyadoo 238 ay ku dhinteen dalka oo dhan. Tana River waa mid ka mid ah goboloda uu sida aadka ah ay u saameeyeen daadadku.

Talaadadii, xoghayaha guud ee caafimaadka Kenya Mary Muthoni ayaa sheegtay in ay jirto khatar weyn oo ah in cudurrada biyaha ka dhasha ay noqdaan masiibo haddii aan waqtigeeda wax laga qaban.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker