Haweeney garoob noqotay laba maalin kadib guurkeedii

Valeria Subotina, iyo saaxiibkeed Andriy Subotin, ayaa qorsheynayay in xafladda arooskooda ay dhigtaan isla markaana ay ku maqrti qaadaan ehelkooda iyo saaxiibbadooda gaarka ah ka hor bilaabashada dalka weli socda ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Lammaanahaan ayaa ka tirsanaa ciidamada Ukraine ee ku sugnaa magaalada dekadda leh ee Mariupol, waana halka ay doonayeen in xalfadoodu ka dhacdo.

Valeria ayaa ku dhawaacantay dagaalka, wax yar kadibna markii ay ka soo baxday isbitaalka wuxuu ku war geliyay saxaiibkeed in ay is guursanayaan oo uu doonayo in uu hirgaliyo hadafkoodii ay muddaba ku taamayeen.

Ms Valeria way aqbashay waxaana guurkooda iyo faraanti-geliskoodu uu dhacay 5-ta bishii May 2022-kii.

Xilliga arooskoodu dhacyay waxay xirnaayeen lamaanahaan dereeska ciidanka ee Tuutaha.

Balse nasiib darro 7-bishii May ayuu Andriy Subotin oo 34 jir ahaa ku dhintay dagaal ciidamada Ukraine ay la galeen kuwa Ruushka.

Sidaas ayay Valeria laba maalin kadib ku noqotay garoob taas oo nolosheeda saameyn ku yeellatay maadama ninkeedii ay ku wayday dagaalka xilli ay ku jirtay meeshii ugu farxadda badneed nolosheeda.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker