Shirka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani UK oo uu ka qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani. Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro oo socdaal ku yimid carigan Ingiriiska 6/10/18 ayaa kulamo iyo shirar la yeeshay jaliyada Somaliland, Taagerayaasha Xisbiga Waddani,garabadka Haweenka iyo Maamulka sare ee xisbiga Waddani UK .

Hadaba habeenkii xalay ayuu ku soo gunaanada kulamadaasi Xaflada ay soo Agaasimeen Garabka dhalinyarada Waddani UK.  Xafladan oo aan  hore loo aragay ayay ku soo bandhigeen garabka dhalinyarada Waddani UK Magaalada London.
Xafladaas oo ahayd mid ay dhalinyarada ku muujiyeen dareenkooda, Afkaartooda,Aragtida,Higsiga iyo Himilada fog ee ay ka damacsan yihiin dalkooda Somaliland, gaar ahaan bahweynta Xisbiga Waddani.
Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani UK. Mudane Xamse Saxardiid Kaahin oo soo abaabulay xafladaasi ayaa sheegay sida dhalinyaradu ugu dulmantahay dalkeenii,sida loogu kala hayb sooco, qof jecleysi,qabiil,iyo sida loo cabudhiyo dhalinta dareenkooda soo bandhiga.
Waxaa isna halkaas hadalo qiiroleh ka soo jeediyay Boqorka Geeska Africa Boqor Ahmed Iiman Warsame.
Ugu dambeyntii waxaa soo afmeeray Xafladaasi gudoomiye cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro.
Waxaanu sheegay sida uu ugu faraxsan yahay Kulanka dhalinyarada hamiga wacan ee ay la yimaadeen. Xisbigu wuxuu dhalinyarada u qoondeeyay xilalka ugu sareeya  Xisbiga ee heer qaran  waxaanay dhalinyaradu haysaa xilka Xooghayaha guud ee Xisbiga Waddani. Mudane Khadar Xuseen Cabdi oo qurba joog ahaa
Taasi waxay ka markhaati kacaysaa in Xisbiga Waddani dhalinyarada kaalintooda uu buuxiyay mar walbana u qoondeeyo kaalmaha ugu sareeya ee Xisbiga Waddani.
Gudoomiyuhu wuxuu aad ugu mahad naqay dhalinyaradii ka qayb qaadatay doorshadii maal,muqur iyo maskaxba.
Aad baan idiinka mahad celinayaa .
Welina halgankii wuu socdaa ee halkii hore iyo meel ka wacan ayaan idinka  rajaynayaa.
Aad baan idinku soo ducaynayaa
Guul dhalinyarada Xisbiga Waddani.
Mataan M Omar Xoghayaha warbaahinta Waddani UK.
Sheffield

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker