Hay’adda lacagta adduunka ee IMFoo Caawinaysa Tunisiya

Tunisia ayaa wadahadal la yeelan doonta hay’adda lacagta adduunka ee IMF isniinta si ay ugu heshiiyaan barnaamijka gargaarka dhaqaalaha, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaas.

“Tani waxay muujinaysaa halista ay dawladda Tuniisiya ka leedahay wax ka qabashada faylka dhaqaalaha, sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay dowlada.

Bishii hore, IMF waxa ay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wada xaajood la bilowdo Tunisia si ay ugu heshiiyaan $4-bilyan oo lagu taageerayo miisaaniyadda 2022 ee waddanka Waqooyiga Afrika.

IMF waxa ay sheegtay in wafdi ka socda IMF ay booqan doonaan Tunis 4-ta Luulyo si ay u bilaabaan wada xaajood rasmi ah oo ku saabsan barnaamijka gargaarka.

“Wadahadallada lala yeelanayo IMF waxay sare u qaadi doonaan go’aanka dowladda ee ah hirgelinta dib-u-habaynta loo baahan yahay si looga gudbo xaaladda adag ee dhaqaale iyo bulsho ee dalka,” ayuu raacisay Ra’iisul wasaaraha Tunisia.

Waxa sheegay in barnaamijka IMF uu ku jiri doono dib u habeynta maaliyadda iyo canshuuraha iyadoo ujeedadu tahay horumarinta, maalgashiga iyo hagaajinta jawiga ganacsiga Tunisia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker