Dhaqane iyo Dhaashane

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha . Dhaliil la iskama qaato . DHafoor taabasho weeye . Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan .  Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee . Kaalayoo bal dhegeyso
Dhaqane; Waa Yaab!
Dhaashane;Maxaa yaaba?intii baanu kaa nasanee.
Dhaqane; Dee waxa yaaba ,hadaanu ninkani doorasho doonayn ,xisbiyadani maxay rabaan? May aayar iska fadhiistaan?sanad iyo badh bay lahayeen :waar komissionka sagaal inoo dhig isna wuxuu la yaabanaa siday iyagoo isku raasa labada u heleen. Tiisii bay noqotay imikana nimankii dhamaa ee dadku inay muse la xisaabtamaan ka sugayey waxay kaga dhegtay labadaa naga soo bedel.
Dhaashane:Adeer nimanku waa masuuliin qaran.wax badan bay xeerinayaan.
Dhaqane;Dee may Hussein caydiid iyo Ramaax u diraan kuwaasaa af yaqaane.
Dhaashane;Hussein caydiid iyo Ramaax sow masuuliin xisbi maaha.?
Dhaqane; OO ma riyo raac hadaa masuul masaajid ah sow isba masuul xisbi maaha?
Dhaashane:Adeer dalka ha naga waalin.
Dhaqane;Dalka maanaa waalaya ?mise ninka gebigiisuba (Somaliland la wada leeyahay) ka xanaaqa ayaa waalaya.
Dhaashane;Xisbiyadu maxay samayn laayeen hadaan wixii ay saluugaan si sharciya u marin ?miyey dagaalami laayeey?

Dhaqane;Waar dagaal lahaane ,madaxweynihii dhamaa ee Masar hal kelmad baa riday oo la yidhaa(IRXAL). May (Somaliland la wada leeyahay) uun gidaar walba ku qoraan isgaa iska tegi laaye.

Dhaashane; Hada ma xisbiyadii aanu is lahayn wuxuu kula talaniyaa dulqaadka badiya ayaad leeday doorashadaba iska daayaa.

Dhaqane;waar kuwan an arka doorashana dayn maayaane .waxa la yidhi;
Beri baa nin reer miyi ah ayaa wuxu qabay islaan qaylo badan.in badan buu iskaga dul qaadan jiray.maalintii dambe ayaa show dulqaadki ka dhamaadoo budh buu dabada u qabtay .Islaantiiba iyadoo ooyeysa ka baxday.odaygi wax yar ka dib ,markii cadhadi ka ba`day ayuu ogaaday inuu islaantiisii u baahanyey uu ku qaldamay markaasuu intuu kor hadlay yidhi;Waar maantaan bad galnee ,sheekh Abdilqaadirow islaantaydii ii soo celi.show islaantu meel fogba may tegine halkan luuqay ku jirtay oo waxay aheyd islaamihii hore dudmada ceebta u yaqaanay intay aayar daf soo tidhi gurigii kulahaa ;sheekh Abdilqaairow riixida iga daa anaa gurigayga iska geliye.

 

Waa qalinkii; Baxnaan x aden diiriye
sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker