Ra’isul Wasaaraha Slovakia Robert Fico oo xaaladdiisu ka soo reynayso

Nafta Ra’isul Wasaare Robert Fico ayaa la sheegay in aanay hadda khatar ku jirin kaddib markii dhawr xabadood lagu dhuftay, sida uu sheegay ra’isul wasaare kuxigeenku.

Tomas Taraba ayaa sheegay in qaliinkii lagu sameeyay Fico uu si wanaagsan u dhacay, ‘’Inta aan ka ogahay, qaliinku si wanaagsan ayuu u dhacay, aakhirkana waxan rajeynayaa in uu badbaadi doono.

Xaaladda qaliinka waa in ay noqotaa mid aan khatar ku ahayn noloshiisa xiligan.’’

Arbacadii, Mr Fico illaa shan jeer ayaa la toogtay, si xun ayuuna u dhaawacmay, iyadoo isku daygu ahaa in la khaarajiyo.

Eedeysanaha looga shakisan yahay weerarka ayaa isla goobta lagu xiray magaalada yar ee Handlova.

Toogashada kaddib ayaa Fico waxa loola cararray isbitaalka, halkaas oo dhawr saacadood lagu sameynayay qaliin ‘’naftiisa lagu badbaadinayay’’ sida laga soo xigtay wasiirka gaashaandhiga Robert Kalinak oo ka hadlayay shir saxaafadeed lagu qabtay dibadda isbitaalka lagu daweynayay ra’isul wasaaraha Arbacadii.

Markaa wixii ka dambeeyay ma jirin xog laga bixiyay xaaladda Fico, laakiin kuxigeenkiisa ayaa BBC-da u sheegay ‘’in xaaladdiisu aanay khatar ahayn.’’

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker