Dawladda Federaalka oo carabta garab uga dooneysa doonisteeda xubinimada Golaha Amaanka

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dalalka Carabtu ay ku garab taagan yihiin Soomaliya ku guulaysiga kursiga aan jogtada ahayn ee golaha amaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa oo ay tartan ugu jirto sidii ay xubin uga noqon lahayd.

Arintan ayaa imaanaysa, iyadoo maanta lagu wado in shirka wadamada ku jira ururka jaamacada carabtu ay meertadoodii 33-aad ku yeeshaan magaalada Manama ee dalka Baxrayn.

Raysal wasaaradaha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa ka mida madaxda shirkaas ka qayb galaysa, waxana isaga iyo wafdigiisu xalay gaareen magaalada uu shirku ka dhacayo.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed macalin Fiqi ayaa kahor shirka sheegay in dawladdaha carabtu garab joogaan doonisteeda Soomaaliya ee xubin ka noqoshada golaha ammaanka.

‘’Shirkan waxa lagu taageerayaa Soomaaliya in ay xubin ka noqoto golaha ammaanka, 22-ka dal ee wadamada carabtu way ku garab taagan yihiin in ay u codeeyaan Soomaaliya in ay kamid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha amniga’’ ayuu yiri wasiir Fiqi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker