DEG-DEG: Ciidamada Milatariga Ethiopia oo la wareegay Gacan-ku-haynta Caasimadda Gobolka Tigray iyo Wararkii u dambeeyey
Addis Ababa (OWN)- Ciidamada Federaalka Itoobiya ee Ethiopia, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigreey ee dalkaas, sida lagu sheegay qoraal kooban oo Raysal-wasaare Abiy Ahmed soo dhigay bartiisa twitter-ka.
Magaalada Mekelle waxa saacadihii u dambeeyey ka dhacayay duqeyn baโan, sida ay sheegeen warar laga helay saraakiisha hay’adaha gargaarka oo ku sugan magaalada xilli hore oo maalinimadii Sabtida maanta ah.