Maxkamad Switzerland ku taala oo 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay wasiir hore oo Afrikaana

Maxkamad Swiss ah ayaa 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay wasiir hore oo u dhashay dalka Gambia markii lagu helay dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada.

Cusmaan Sonko ayaa u qaxay Switzerland 2016, wax yar uun kaddib markii Madaxweynaha Gambia Yaxye Jammeh xukunka xoog looga tuuray markii uu diiday in uu ogolaado in doorashada looga adkaaday.

Dawladdiisa ayaa lagu eedeeyay xadgudubyo dhawra.

Kaddib markii ururro aan dawli ahayn ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya xadgudubyadii uu u geystay siyaasiyiinta mucaaradka ku ahaa Yaxye Jammeh, ayaa Cusmaan Sonko la xiray.

Qareenada Sonko ayaa sheegay in aanu masuul ka ahayn wixii dhacay.

In kastoo ay soo bandhigeen difaaciddan, haddana 55 jirkan soo ahaa wasiirka arimaha gudaha waxa lagu helay dil bareer ah, jirdil iyo xabsi sharci darro ah Arbacadii.

Waxase laga beri yeelay eedeyntii ahayd in uu kufsi geystay.

Racfaan ayuu ka qaadan karaa xukunka ay ku riday maxkamadda federaalka ee dambiyada ee magaalada Bellinzona.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker