Biyaha sifaysan ee caagaduhu waxay khatar ku yihiin Nolosheenna waxaanna kuu caddeynaya baadhitaankan.

Baadhitaan aan ku sammeeeyay Biyaha sifaysan ee mooyo saxadda iyo saameynta ay nolosheenna ku leeyihiin.
Shirkadaha soo saara biyaha sifaysan ayaa tayadoodu aad u hooseysaa, isticmaaalka biyaha oo sii kordhaya, iyo mooganaanta shacabka  runtii haddii qaarkood la baadho dad badan oo kalyuhu fadhiisteen ayaa loo qabsan lahaa waxaanna tusaale kuugu filan Biyo ay cabbayaan dadyaw isku mid ah oo haddana ay aad u kala duwan yihiin  macdanaha ay ku darayaan tolow saammayn caafimaad oo  intee le’eg ayuu  ku yeellanayaa inta cabta?
Maxaa loogu kala duwan yahay macdaha  lagu daray biyaha?
Miyaannay dad isku mid ahi cabbayn?
Miyaanay shirkaduhu ogayn in dad badan biyaha laga raacay?
Shirkaddanni waxay ka dhigeen macdanaha  ay ku daraan biyaha “INGREDEINTS” sidatan:-
Kaliya haddii aad Akhridid oo isku eegtid wax badan ayaad ila arki doontaa….
Biyaha sixa
0. pH.                 :  6.5
1. Kaalshiyam  :   0.12
2. Magniisiyam:    0.21
3. Soodhiyam   :    10.804
4. Botaasiyam  :     0.445
5. Bikaarboonayt:  21
6. Salfayt              : 37
7. Nitrayt               : 1.3
8. Kolooraydh       : 13
9. TDS                    : 67
 Biyaha Dasani
0.  pH.                 :  ma ku cadda waraaqda
1. Kaalshiyam  :   Ma ku qorna
2. Magniisiyam:    6 mg/l
3. Soodhiyam   :    41
4. Botaasiyam  :     7
5. Bikaarboonayt:  ma ku qorna
6. Salfayt              : 14
7. Nitrayt               :  ma ku qorna
8. Kolooraydh       : 18
9. TDS                    : ma ku qorna
Biyaha Saxansaxo
0. pH.                 :  7.8
1. Kaalshiyam  :   3.4
2. Magniisiyam:    19
3. Soodhiyam   :    10
4. Botaasiyam  :     0.2
5. Bikaarboonayt:  27
6. Salfayt              : 19
7. Nitrayt               : 0.4
8. Kolooraydh       : 47
9. TDS                    : 130
Biyaha Maaxda
0.  pH.                 :  7.44
1. Kaalshiyam  :   1.0
2. Magniisiyam:    2.0
3. Soodhiyam   :    6.03
4. Botaasiyam  :     2.03
5. Bikaarboonayt:  6.45
6. Salfayt              : 2.38
7. Nitrayt               : 1.91
8. Kolooraydh       : 7.6
9. TDS                    : 23
Biyaha Zamzam
0. pH.                 :  7.5
1. Kaalshiyam  :   1.10
2. Magniisiyam:    2
3. Soodhiyam   :    6
4. Botaasiyam  :     2
5. Bikaarboonayt:  6.4
6. Salfayt              : 2.4
7. Nitrayt               : 1.70
8. Kolooraydh       : 7.4
9. TDS                    : 25
Biyaha Golis
0.  pH.                 :  7.5
1. Kaalshiyam  :   14
2. Magniisiyam:    5.3
3. Soodhiyam   :    18
4. Botaasiyam  :     2.0
5. Bikaarboonayt:  20
6. Salfayt              : 3.0
7. Nitrayt               : 3.0
8. Kolooraydh       : 14
9. TDS                    : 124
Biyaha Tayo mineral water
0.  pH.                 :  7.5
1. Kaalshiyam  :   1.8
2. Magniisiyam:    8
3. Soodhiyam   :    12
4. Botaasiyam  :     0.1
5. Bikaarboonayt:  26
6. Salfayt              : <5
7. Nitrayt               :  ma ku qorna
8. Kolooraydh       : 47
9. TDS                    : kuma qorna.
Biyaha Xays
0. pH.                 :  7.5
1. Kaalshiyam  :   18
2. Magniisiyam:    11
3. Soodhiyam   :    7.9
4. Botaasiyam  :     1.0
5. Bikaarboonayt:  26
6. Salfayt              : 5.0
7. Nitrayt               : kuma qorna
8. Kolooraydh       : kuma qorna
9. TDS                    : 100
Biyaha Mina
0. pH.                 :  7.40
1. Kaalshiyam  :   6.50
2. Magniisiyam:    2.50
3. Soodhiyam   :    5
4. Botaasiyam  :     3.5
5. Bikaarboonayt:  21
6. Salfayt              : 9.30
7. Nitrayt               : 5.30
8. Kolooraydh       : 10
9. TDS                    : 100
Su’aalaha in hor yaalla waxay weeyi waraaqdan miyaa la iskaga qoray macdanahan mise waa sax dhammaantood?
■Dawladdii tayadooda hubin lahayd ma awoodo  cid kalena haddalkooda daa?
■Xalku muxu noqonayaa haddii ay sidan ku sii socoto xaaladdu?
■Shacabka maxaa la gudboon?
■Biyahee ugu tayo wanaagsan marka aad sidaa u aragtaan kala duwanaan shahooda?
 Shirkadaha maxaa uga qorshaysan kala duwanaan shaha macdanahan?
■Dawladda  maxaa uga qorshaysan Shaybaadhka biyaha iyo sharaabka innay keento?
■ Dawladu sidee ayay u hubin doontaa tayada biyaha.
Maxaan ogaaday
■ in macdanuhu aad u kala duwan yihiin
■  in tayada biyahani hooseeyaan
■ in aan dad aan aqoon u lahayni ka shaqeeyaan
■ inaan bulshadu fahansanayn
■ inaan dawladu tayadooda la socon
■ in baahida bulshada laga faa’iideystay
■ in dhibi ka soo gaadho shacabka biyahani
■ in aannay taariikhda biyaha lagu qorin marka laga reebbo 12 bilood ka dib
■ in ay ku jiraan caagag yaryar oo ilma qabati ah kuwaasoo la arko marka biyuhu maalmo yaallaan meel ka dibna la ruxo ayaa la arkayaa.
■ in shirkadaha biyaha si fudud loo sammaysto oo ay isku farabateen.
■ in aannay qaarkood kuba qornayn macdaha lagu daray biyaha
Xal iyo talo bixin
___
■ In dawladu aad ula socoto shirkadaha biyaha soo saara oo ay dabagal shaqo ku sammeeyaan.
■ In shirkaduhu soo saaraan biyo la mida kuwa caalamiga ah.
■In la mideeyo macdahan kala duwan.
■ in tayada biyaha la ilaaliyo
■ In la ilaaliyo baahida bulshada.
Qalinkaagu ha u hiiliyo inta aan xog badan ka hayn waxyaalaha noloshooda saamaynta ku leh.
Waxaan su’aal jawaab ka sugayaa inta aqoonta u leh Shaybaadhka iyo kala duwanaanshaha macdanahan aad arkaysaan…
Share / lawadaag asxaabtaadda.
Rakad Mxd Sultan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker