Siyaasi Cabdilaahi Darawal oo ka Hadlay Khasaaraha Suuqa Waaheen

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Dirawal ayaa ka hadlay dabkii Khasaaraha baaaxda leh gaadhsiiyay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Cabdilaahi Dirawal oo Shalay la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu ku ammaanay Ciidamada Damdamiska Hargeysa sida ay uga hawlgaleen bakhtiinka dabkan baabiiyay Suuqa Waaheen, waxaana uu intaasi ku daray in Dawlad Deegaanka Soomaalida ay muujiyeen in dadka ugu xigaan Somaliland.

Cabdilaahi Dirawal oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxaaan doonayaa in aan ka hadlo Masiibadii Dab ee ka dhacaday Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa ee ugu waynaa dalka ee Ganacsiga,waana qadar ilaahay waana laga bixi doonaa isaga oo dib u camiran ayaa la arki doonaa.dadkii ka hawlgalay in loo mahahnaqo ayay mudan yihiin sida Ciidamada Damdamiska iyo Ciidamada Dawlad Deegaanka Soomaalida oo muujiyay in aynu dadka iskugu xigno”.

Dirawal ayaa waxa uu sheegay in Suuqa Waaheen ahaa xuduntii Ganacsiga dalka.Waxaana uu yidhi”Waxaana meesha ku jirta in aad iyo aad looga fikiro oo duruus ku qaadano si tan oo kale inoogu dhicin,ama baadhi taan keeda ha,ahaato ama qorshaynteeda ha,ahaato waana in la ogaado sababta waxan dhalisay. ileen masiibo ayaa dhacdaye si aanay mar dambe inoogu dhicin Dadweynaha maal koodu ka baxayna waxa aan leeyahay waa aduunyo, maalina Maalka waad haysaa Maalina waad waayaysaa.waana la ogyahay in guri walba taabanayso waxaana ay ahayd meesha dhaqaalaheena xudunta u ah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker