Xildhibaan Yusuf Liibaan Cumar “Aniga La ima xidhin…Rasaasna la iguma Qaban”
Burco (OWN) Xildhibaan Yuusuf Liiban Cumar Cali oo ka mida 82 xildhibaan ee Golaha wakiilada oo la soo xidhiidhay Shabakada Oodweynenews ayaa cadeeyey inaanu jirin xadhig loo gaystey isag iyo gaadhigisa oo ay warbaahinta qaarked qortay arinta ku saabsan xildhibaan yuusuf liiban cumar cali iyo gaadhigiisa oo lagu qabtay rasaas uu ku hubaynayey 2 beelod ee dhowaan ku dagaalamay deegankan cee-lafweyn ee Gobolka Sanaag Ee labadaasi beelod oo xildhibaanku ka mid ahaa Beel ahaan
Xildhibaanka ayaa isagu arintaasi ku tilmaamay arin been abuura oo aney waxba ka jirin, ayna dabada ka riixayan shakhsiyaad farakuturisa, kuwaas oo ku duulan ah bu yidhi sharaftayda masuuliyeded.
Xildhibaan Xaadhay oo hadelkisa sii wata ayaa sheegay inuu hada arinta uu u joogo degmada celefweyn ay tahay isu soo ururinta iyo isu lab xaadhnanta dadka walaha ah ee ku dirirey bu yidhi degmad celefweyn, arintan oo ah bu yidhi. “mid in badan soo Jaalaabantay ayaan hada ku tala jiraan iney si dhakhsoo ah u so afmeeran anagoo illahay kaashanayna.”
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegey inuu website-ka lagu Qorey Aney Iska Hubsan Warkan Ay Qoreen Uguna Baaqey iney Iska Hubiyaan Wararka Been Abuurka ah Ee Uu Gudbinayaan Bulshad isagoona welibnaa sheegey inuu fasaxa soo siiyey gudoomiyaha golaha wakiilada baashe maxamed faarax uuna nuqul ka midi gaadhay xoghayaha Golaha Wakiilada Oo La Xidhiidha Fasaxiisasi .
Ugu danbayn xildhibaanku wuxu sheegay in cidii isku dayday iney sharafta iyo haybada masuuliyiinta qaranku ee ku aadan walaalaynta labadaasi beelood aan u aqoonsan doono ballo abuur umada iska hor keenaya sa”
Waraysi khadka Telefoonka ah:
Maxamed Siciid Gaaxnuugg
Oodweyne News