Nabad Dhul Ku Badalan maayo , Dhulbeereedka Wajaale Xakuumadu hanooga qaado Maleeshiyo Beeleedka.

In badan baan nabad xigsanay oo danta guud ku seegnay taayadii in wax la dhawro oo wax  la samro waan samirnay hadaan nahay Bulshada  Beesha reer Wajaale ee laga haysto Dhulbeereedka ka xiga Woqooyi Galbeed ee Wajaale, intaana waxaan dhawraynay nabada iyo ammaanka oo la xeerinaayay in aan la dumin dalkan Somaliland si loo helo iciraaf ayaan yeelay waxaas oo dulmi ah lkn hada laga bilaabo nabad ku badalan mayno Dhul waxna xeerin mayno waxna dhawrsan mayno haday dhagaxaan cirka kasoo dhacayaan iyo hadii Hoobiye darooro dhulkayga waan difaacanayaa , hore waxaa loo yidhi ninkaan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo.

Waxaan uga digayaa Nuux Taani oo weerar cad oo gardaro ah ku haya dhulkayaga oo Maleeshiyo Beeleed Habar Awal ah oo ku magacaaban Ciidanka Qaranka noo adeegsanaya mudo badan , hadii aanay Xakuumada Somaliland ee dalkan ka talisa wax ka qaban oo aanay ninkaasi iyo beeshiisa ku ekaan dhulkooda xaaladu ta xun bay tagi . Tan iyo wakhti fog Nuux Taani ayaa sifo sharci daro ah ku haysata tan iyo 1994-kii , dirays dawladeedna in  dhulkayaga  lagu boobo yeeli mayno , Beesha Habar Awal ma aha inay shaadh dawladnimo dhulku ku qaadato si looga yaaco oo la yidhaa waa danguud , adeer taasi hanaga sugina ,  ma ogolin mana ogolaan doono in qaab qabiill oo la huwiyay dawladnimo in dhulkayaga lagu haysto , waa in ay dulmiga joojiyaan oo Dhulbeereedka Wajaale nooga qaadaan Ciidanka iyo awooda loo isticmaalaayo.Dawladahii kala dambeeyay ee soo maray Somaliland mid kastaaba waxay dulmi ku taageereen Beeshan doonaysa dhulweynahayaga iyo Beerayahaga lkn hada laga bilaabo waan soo ceshanaynaa dhulkayagii lanaga haystay tan mudo oo xanibnayd aan dawlada dhisano iyo ha inaga duminina ictiraafbaan raadinaynaa.
Waxaan u sheegayaa dhamaan dadka u dhashay deegaanka Wajaale ee iska leh dhulkan in ay difaacdaan dhulkooga oo aanay u ogolaan Beelaha dulmiga wada , hadaad uga cabsato ninkaaga doonaya si aad u noolaato ogow ma istaahishid nolosha. Nabada in dhul aad ku badalato waa ceeb , Habar Awal dhulkooda way haystaan ee waa gardaro in ay damcaan dhul aanay lahayn ee u diyaar garooba difaaca Beerahiina .
Mahamed Abdirahman

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker