Ugu Yaraan 7 dalxiisayaal Oo Dhintay Doon Ku Qalibantay Dalka Hungary

Wararka dalka Hungary ayaa sheegaya in ay ugu yaraan 7  qof ayaa dhintay 19kalena waa la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ku qalib-matay webiga Danube ee caasimadda Hungary ee Budapest, sidaasi waxaa lagu sheegay war saxaafadeed.

 

Soddon iyo saddex qof, oo inta badan dalxiisayaal ka yimid Koonfurta Kuuriya, ayaa doonta saarnaa markii ay ku dhacday markab kale xili ay xawaare sare ku socotay, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee MTI.

 

Mashaqadaan ayaa waxay dhacdey qiyaastii 22:00 [afarta caweysnimo] wakhtiga maxaliga ah, habeenkii Arbacadii, Webiga Danube, oo caan ah ku ah dalxiisayaasha, ayaa helay roobab culus, taas oo keentay in biyo badan degaan.

 

Doonta ayaa magaceeda lagu sheegay “Hableany”, ama Mermaid. Markabku oo leh laba barxad kaasoo qaada 45 qof ayaa safar u socday.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay in 19 qof oo muwaadiniin ah ay maqan yihiin, waxayna sheegeen in dawladdu qorshaynayso inay mas’uuliyiin kooxo ah u dirto Hungary.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker