Madaxweyne Doonista Mooyee Maamulkeeda iyo Macnaheedu Wuu Kugu Adkaadey

Muuse Biixi Madaxweynimada Doonisteeda Mooyee Maamulkeedii Muu Garran By:Najiib Ismaaciil Maxamed

Maalinba Maalinta Ka Dambeysa,waxa soo Baxaya inta ay Leeg Tahey Rajada Maamul ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi marka loo fiirsado,nidaamka cadaaladeed ee Maamulkiisa,fahamkiisa , Ficilkiisa iyo xulashadiisaba.

Tan iyo intii uu Talada Dalka la Wareegay,waxa jirrey Duruufo danyarta iyo Bulshada iyo noloshaba Saameyn ku leh oo Sicir barar iyo maceeshada oo qaaliyowdey,waxaa muuqatey in uu ku waajahey nidaamyo dheel dheel ah oo ay kaga damqasho iyo dareen badnaayeen guud ahaanba Xukuumadihii ka horeeyay ee dalka Soo marey Waxaana Muuse Biixi Maamulkiisani la kawsadey Daneysi iyo Dano Gaar ahaaneed,iyo Siyaasad Doc leexsi ah iyo Waliba Dhaqaale u doonis Qoyskiisa aan ka Dheerayn.

Tusaale ahaan Maalmahan Waxa Siweyn Looga hadalhayey Magaalada Hargeysa Qandaraasyadda uu Siiyay Shakhsiyaad gaar, ah khusuusan Qaar Kamid ah Qoyskiisa Sida Maxamed Muuse Biixi oo uu Qandaraas kusiiyay Direyska Ciidamada iyo Cabdi Yuusuf oo uu Qandaraas ku Siiyay Timirta iyo Cunada Ciidanka Qaranka ee kala duduwan, isagoo dhawaan Magacaabey Gudida Qandaraasyada Qaranka, oo xaqiiqdii Mushaharka oo kaliya Qaadan doona haseyeeshee, aaney jirin wax hawl ah ama Qandaraas ah oo u hadhey, Anigu Waxaan ku dari Lahaa Madaxweyne hadaad saaxiibkey Cabdi Yuusuf qanadaraaskii Timirta Siisey Ismaaciil Dhoolayarena ka Raashinka Sii wuu Soo Halgamaye,isagaana ka xaq leh Cabdiqafaar iyo inamo badan oo aad Wax u tahey.

Sikasta oo ay tahey,mar haddii Madaxweynaha lala fajacey oo dad badani la amakaagsan yihiin, Xilalkii Qaran ee uu Magacaabey Xukuumadiisa iyo Saamiga Gobolada iyo Degmooyinka dalka ee Cadaalad Darrada aan la Qiyaasi Karin ah maadaama uu Rag badan oo la isla lahaa wuu ka Ceydhin Doonaa Xukuumadiisa uu Beelnimo Kusoo Qaatey,isagoo uga gon leh in ay u Tilmaamaan halka ay Wax ku Hadhsanaayeen, iyo sidii wax loo farsameyn lahaa Waxey kusoo ururtey Damaciisu in uu Dhinac kaliya ka garanayey oo aheyd, in uu Doonista Madaxweyne ku koobnaa iyo Mashruuceysiga Danaha Dhaqaale laakiin aanu wali u dhacsaneyn Macanaha iyo Maamulka Dawlawdnimo.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell;0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker