” Meesha Madaxtooyada Loo Raro Waxay Noqon Doontaa Meesha Ugu Dhul, Waxbarasho, Iyo Nol Qaalisan Waddankoo Dhan” W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

In madaxtooyada laga dhiso Xaraf, Aqalka Guurtidana Bariga Hargeysa, Wakiilladana Koonfurta macnaheedu waxa weeye xaafadaha Hargeysa ayaa loo qaybiyey xafiisyadii dawladda. Waxase iman doonta in Koonfurta Hargeysina ay Koonfur bari iyo Koonfur galbeed noqon doonto galbeedka Hargeysina uu u kala bixi doono Woqooyi Galbeed iyo Koonfur Galbeed. Sawirkani wuxuu i xasuusiyey sawirkii Muuse Biixi innagu maaweelin jiray ee uu la gali jiray Cali Khaliif, Xasan Ciise, Cabdiraxmaan Aw Cali, Cirro, iyo Faysal Cali Waraabe dad badan oo reer Soomaalilaan ah ayaa sawirkaas bilo ku seexda oo ku qabooba. Iyagoo niyeysanaya in beeluhu sidaa isu ahaadaan oo caanaha la wada cabbo.
Waxa kale oo ay keenaysaa raridda madaxtooyadu in dhulka Galbeedka Hargeysa uu ahaado ka ugu qaalisan dhulkoo dhan, xagga aminigana uu ahaado ka ugu ammaanka badan. Maraykanka waxa ka jira wax la yidhaahdo Zip code ( A ZIP Code is a postal code used by the United States Postal Service (USPS) in a system it introduced in 1963) tusaale ahaan waxaad deggan tahay XARAF waxaad rabtaa inaad u guurto Axmed Dhagax halkii aad caymiska gaadhigaaga bixin jirtay $120 waxaad bixinaysaa $280 waayo Zip code aad u guurtay ayaa ah mid wax kasta ka dhici karaan oo aan laysku hallayn karin.
Nolasha magaalada oo aan hadda dheellitirnayn waxay gaadhi doontaa heer cirka iyo dhulka la isu jirsado nolol ahaan, dhaqaale ahaan, iyo amni ahaanba. Oo qofka XARAF ku nooli uu ahaado ka ugu dhulka fiican dadkoo dhan. Waxa iman doonta bari dhaw in dadka saboolka ahi ay u bataan xaafado la yaqaan oo aan lahayn iskuullo wanaagsan iyo nolol fiican. Halka lagu socdaa waa halkaas.
 Dhanka maamulka dawladnnimo adduunyada inteeda badan Madaxtooyada, Maxkamadda sare iyo laba aqal waa kuwo aad isugu dhaw oo aan kala fogayn, dantuna waxay ku jirtaa in sidaa la yeelo.
Madaxtooyada haddii la rarayo waxa ugu habboon Degmada Ceerigaabo siyaasad ahaan maamul fidin ahaan, iyo Zip codeka Gobollada bari oo kor loo soo qaado intaba waxa ugu habboon Degmada Ceerigaabo. Haddii Hargeysa dhexdeeda looga maarmi waayana madaxtooyo kooban Daammi ha la sameeyo dadka reer Daammina dhulka kooban ee Madaxtooyada laga dhisayo dhul kale oo isla Daammi ah ha loogu baddalo Zip codeka Daammina sidaa ha ku qaaliyoobo.
Muuse Biixi waxaan ugu baaqayaa inuu ka noqdo qaybinta xafiisyada dawlada magaalada Hargeysana uu biyo u raadiyo laakiin aanu kala sarrayn bulsho u horseedin. Dhalinyarada reer Hargeysana waxaan ugu baaqayaa inay sharafta Hargeysa iyo quruxdeeda si wadajir ah u ilaashadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker