Tiknoolajiyadda aqoonsiga wajiga ee Facebook oo dacwad laga keenay

Maxkamad ku taal gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dacwad wadareed laga keeno shirkadda Facebook ka dib markii ay isticmaashay tiknolojiyadda lagu aqoonsado wajiga qofka.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in shirkadda Facebook ay uruurisay xogta gaarka ah ee macaamiisheeda, ayadoo aan ogolaansho cad ka haysan.

Shirkadda ayaa sheegtay in kiiskan aanu ahayn mid awood leh, ayna si weyn isaga difaaci doonto.

Isniintii ayaa xaakim James Donato waxa uu ansixiyay in dad isu tegay oo ka mid ah kuwa adeegsada Facebook ay dacwad kusoo oogi karaan shirkaddaasi.

Xaakim Donato ayaa sheegay in “Facebook uu u muuqdo mid rumaysan in ku xadgudubka shuruucda ay ka dhalan karto magdhaw balaayiin dollar ah.”

Go’aanka ayaa kusoo beegmaya maalmo ka dib markii madaxa Facebook, Mark Zuckerberg, su’aallo adag uu kala kulmay xildhibaannada Maraykanka oo wax ka weydiiyay macluumaadka ay shirkaddiisa ururiso iyo qaabka ay u adeegsato.

 

FACEBOOK

@ BBC Somali

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker