Xukuumadda cusubi maxay soo kordhisay?

marka doorasho la galo ee wakhti dheer iyo juhdi dheer oo kharashkiisa leh la geliyo waxaa la doonayaa waa hiigsi iyo hanaan bedel dawladeed oo dadku ay u codaynayaan in habka shaqo ee wasaaradaha iyo haayadaha dawladu wax soo kordhiyaan dhankastaba.

taasi may dhicin intii madaxwayne somaliland ah la dooranaayey.
waxaan weli arkaa in amaanka gudaha ee bulshadu aanu sugnayn oo ummaddii ay wareeriyeen dhalin budhcad ah oo tooshash waawayn la wareega habeenkii kuna baadh-dha bulshada.

wasaaraddii shaqadan lahayd intii xukuumadu jirtay waxay xidhxidhay dhawr qof oo laga raacay qoraallo ay kusoo qoreen facebook-ga.

waa sax ciddii qaranka waxyeelo ku ah in la xidho xukun iyo sharcina la mariyo, waxaase muhiim ah in shaqada hanaan kala sarayn ah loo qabto oo khatarta wayn marka hore laga jawaabo.

wiilasha xooggii dalkaa ee tuugga ku bilaabay qaangaadhnimadoodii, waa hogaankii beri oo budhcad ah, markaa waa in la xidhxidho oo lagu beero boqolaal higtar oo ay kasoo baxdo cuntada ciidamada iyo danyartuba.

waa in laga dhigaa xooggii wadanka oo laga faaiidaystay laakin labo bilood oo xadhi ah waxba ku qaadan maayaan.

sidoo kale qorshaynta miisaaniyaddu kuma dhisna habkii badbaadada qaranka ee ummadda lagu badbaadhin lahaa haddii ay dhacdo khatar cunto iyo mid caafimaadba, sida badhxidhan, raashin waa, cuduro faafa iyo wixii la mid ah.

waxaa sidoo kale soo baxday abaar aqooneed oo ku habsatay guddidii ka talo bixinta sixir bararka, guddidaas oo aan waxba kusoo kordhin aqoonta xakamaynta sixirbararka.

waxaa weli siisocda hanuunin la’aantii bulshada iyo xakamayntii saxaafadda oo faraha ka baxday, taas oo aan warbaahintu u miidaan deyeyn waxa ay qorayaan.

waxaa fiican in dawladaha jaar kaaga aad kaga dayatid wixii wanaagsan.

tusaale haddaynu u soo qaadano dawladda gobolka somalida itoobiya, bulshadu waxay ku qasban tahay amarkasta oo kasoo baxa dawladda inay fuliso, sida ka soo qaybgalka munaasibadaha qarankooda, xidhidda ganacsiga maalmaha ay jiraa hawlo qaran oo la fulinaayo. iyo maamulka dhulka iyo qorshayntiisa. sidoo kale jabuuti ummaddu way ku qasban tahay amarkasta oo dawladeed oo soo baxa mana jirto qabiilooyin qaadaca iyo madax dhaqameed saydoonaan u hadlaa.

waxaan uga socdaa, in xukuumaddu yeelato awood ay ku fulinayso hawlaha dawladeed, waa in ay meesha ka saartaa waxkasta oo sababaaya burbur bulsho iyo burbur qaran mid walba.

waa in saxaafadda la baraa masuuliyadda saaran.

waa in la xakameeyaa koofiyad bacle yaasha ku hadla afka reraysan.

waa in la xaddidaa masuuliyiinta markay xilka dhigaan ama laga dhigo muwaadinimada dhigaaya ee waxay doonaan ku hadlaaya.

waa in la joogteeyaa amarkasta oo kasoo baxa dawlada oo aanu noqonwax muddo gaaban shaqeeya.

waa in wadooyinka gaadiidka loo qorsheeyaa si wacan oo aan waddo bilaa calaamadda lagu arkin suuqyadda iyo xaafadaha.

waa in wadaniyad la abuuraa halka ay maanta bulshadu u taagantahay qabyaalad iyo reeraysi

la soco

muuse cali nuur amaan

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker