Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Joojisay Tababarka Ciidamada Soomaaliya

Muqdisho(OWN)- Sida lagu daabacay Wakaalada wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gebi ahaanba joojisay tababarkii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya,iyaga oo sida la sheegay kaga jawaabayey falkii 8-dii Bishaan lagula wareegay lacag dhan 9.6 Milyan oo dollar oo Garoonka Muqdisho lagu qabtay,isla markaana ay dowladda Soomaaliya la wareegtay.

Warka ayaa waxaa lagu sheegay in imaaradka uu joojiyey tababarkii mudada uu ka waday Saddex Xeryo ciidan oo ku yaalla Muqdisho iyo Puntland,halkaas oo ay ka soo baxeyn ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka ayaa horay u cambaareysay la wareegitaankii lacagtii ay lahaayeen,waxa ayna sheegeen in ay tababareen 2407 oo askari,isla markaana ay bixin jireen mushaaraadkooda.

Warka kas oo baxay dowladda Imaaradka Carabta ayaa ku soo aadaya xili maalin ka hor Garoonka Diyaaradaha Boosaaso mudo Saacado ah lagu xanibay Diyaarad qaadi laheyd Saraakiisha Imaaradka ee tababarka u joogay Puntland wallow markii dambe ay Garoonka ka dhoofeen.

Sidoo kale 11 Bishaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya la wareegeyso Ciidamda Imaaradka uu tababaray eek u sugan Muqdisho.

 

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker