Kenya oo dib u furtay safaarada ay ku lahayd magaalada Muqdisho

Dowladda Kenya ayaa shalay si rasmi ah dib ugu furtay dhismaha cusub ee safaaraddeeda ee magaalada Muqdisho, bilo kadib markii labada dal ay dib usoo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Safaaradda ayaa waxaa furtay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo oo shalay booqasho ku tagtay Muqdisho, waxaana wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen labada wasiir ayaa lagu sheegay in labada wasiir ay soo dhoweynayeen dib ugu laabashada labada safiir ee xarumahooda diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Waxay sheegeen in taasi ay xudun u aheyd ballan-qaadka furitaanka bog cusub oo ku saabsan xidhiidhka labada dal.

Xiriirka labada dal ayaa la filayaa in lagu sii xoojiyo socdaal la filayo in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu toddobaadkan ku tago magaalada Nairobi.

Rooble oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay Raychelle Omamo, ayaa kadib qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu yidhi “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker