Shilalka Gaadiidka: W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)

Shilalka gaadiidka ayaa noqday dhibaatooyinka ugu badan ee maalinkasta ka dhaca gayiga aynu ku noolnahay, shilalka gaadiidka ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeed taas oo aan ilaa hadda loo hayn xal iyo ka hor tagtoonna.
Dawladda Haatan tallada Haysa ee uu hoggaaminayo Madexweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa warbixinteeddii dastuuriga ahayd  ku soo dartay waxka qabashadda Shilalka gaadiidka  iyadoo sheegtay  innay wax ka qaban doonto shilalka gaadiidka se tan iyo maalintaa wali hal tallaabo lama qaadin.
Shilalka gaadiidka ayaa inta badan waxa sabab u noqda dad aan sharciyadda waddo marista aqoon ama aan aqoon u lahayn qaababka saxda ah ee loo waddo gaadiidka ama waxa ay sammeeyaan dadka inta badan shilalka galaa khaladaad aan la ogolayn wakhtiyadda gaadiidka la waddo.
Haddii la rabo in shilalka gaadiidka la yareeyo waxay taladaydu noqonaysaa:-
1. Ciidamadda taraafikadda oo la badiyo
2.  Sharciyadda waddo marista oo la adkeeyo
3.  Waddooyinka oo la calaamadiyo
4.  Cunista iyo cabista saacadaha wadista oo la-ga digo.
5.  Waddooyinka oo la dayactiro
6. Wacyi-galinta oo la badiyo
7. Ciddii khalad gasha oo ganaax adag lagu qaado.
8. Xawaaraha safarka oo la xadido.
9. Xawaaraha magaalooyinka oo la xadido
10. Gaadiidka oo la saaro alaab uu qaadi karo iyadoo laga digayo cidda saarta Alaab aannu qaadi karin.
11. Hubinta Licenceka wadista oo imtixaan laga qaado.
12.  Gaadiidka oo la hubiyo Machinekooda iyo dayactirkooda.
13. Gaadiidka Buseska oo albaabadooda laga dhigo midiglayaal.
14. Isdhaafka deg-dega ah oo laga digo.
Qofkastaaba xalbuu hayaa qofkastaaba sibuu u arkaa xalka markaa waa in la hellaa Hay’ad u gaara xal u helista shilalka gaadiidka oo ka shaqo gasha dalkeenna.
Haddii tallaabooyin deg-dega la qaadi waayo waxa aynu la kulmi doonnaa Shillalka gaadiidka oo dhaawac iyo dhimashaba saacadkasta sababa.
Shilkan aad arkaysan ayaa maanta ka dhacay magaaladda Berbera goob wado laba haad leh halkaas oo aan khasaare dhimasho ahi ka dhicin se dhaawac iyo bur-bur maaliyadeed uu ka dhacay.
 Sidoo kale shil kale ayaa dhacay waxannna ku dhintay 3 qof iyo nin caddaana waxaanna ku jiray taliyihii Waaxda tababaarka ee Ciidanka Badda inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun.
Saacadkasta, maalinkasta, waa dhaawac iyo dhimasho taagan insha Allah xalka waynu helin haddaynu is dhagaysanno.
Rakad Mxd Sultan
BERBERA

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker