Ma Dhabaa ina Cabdulle Xasan waa Gabyi jiray ? . Q.1aad

Gabayada Daraawiishta iyo gabaydii Raid (Guba). (1900-1940).

 

Sagaal nin oo walaalo ah sideenaas
Siddeed ay isku bah tahay sidiinaas
Ninkuna uu bah gaar yahay sideydaas
Siddeeddu ay ninkii siri sidiinaas
Ninkuna uu sirtii garan sideydaas
Haddeynu isi siri sideenaba
Ma iska kala tagnaa sideedaba.

 

”Sheywaal Cabdi waa nin xoog oo dilaa ah.Wuxuna ka dhinac dagaalamay Wadaadkii Waalnaa mudo badan. Laakiinse markii Nuur Dheere oo ahaa suldaanka Habar Yoonis ka mid noqday Daraawiishta Sheywaal Abdi mays jiclaysan wuuna ka baxay Daraawiishtii wuxuuna u galay Ingriiska. Wadaadkii cadhadii wuxu kaga aarsaday Sheywaal Cabdi inuu dilo labadiisii xaas iyo lix wiil iyo sedex hablood uu dhalay. Sheywaal Cabdi markuu ogaaday wuxuu gacantiisa ku gawracay 23 ah ciidamadii Daraawiishta iyo qaraabadii Wadaadka oo u soo gacan galay. Hadase wuxu ka mid yahay ciidanka Xabashida ee Raas Makonen waaliga Harar iyo dhulkaas inta u dhaxaysa Ogadeen iyo Hawaash. Siday u badanyiin geesiyada Somali Sheywaal laftiisu waa gabayaa caan ah, markay Jarmalku wax ka weydiiyeen gabaydiisa lama hakan, gabayadiisu oo ku saabsan noloshiisa , marku Wadaadkii diiday , marku u galay Raas Makonen , laakiin se waxa gabayadiisa ugu caansan gabayga faraska Dhoodimeer ”.

 

Sidaas waxa u tilmaamay Fleix Rosen oo darwiish Sheywaal Cabdi kula kulmay dhulka Somalida ee Ehtiopia gacanta ku haysay 1905tii , oo dhowr gabay oo xiligu Daraawiishta ku jiray ub mariyey, gabaydaas na ugu mudnaayeen gabay ku amaanay faraskii Dhoodi Meer sidu isagu Sheywaal ahaan sheegtay.
Waxa is weydiin mudan imisaa jiray rag la mid ah Sheywaal oo gabayaa ahaa oo Daraawiishta ku biiray?, gabayana ka mariyay dagaaladoodii iyo arimahoodii kale, iyo gabayadaas sababta maanta loo l’ayahay?. Arimahaasi se sidee ayay isu waafaqayaan, Ina Cabdulle Xasan oo boqol iyo dheeraad gabay laga hayo iyo ragii kumanaanka ahaa ee gabayaagu ka buuxay ee darwwiishta ku jiray oo maanta waxba laga hayn maansadoodi.?

 

Shakhsiyada Maxamed Cabdulle Hassan waxa la odhan karaa waa qofka soomaali ugu badan ee wax laga qoray waayadii Isticmaarka laga bilaalbo 1899-1920s. Wax kaste oo ina Cabdulle Xasan khuseeyaa waa qoranyiin , abtirisigiisa , ubadkiisa , xaasaskiisii , walaaladii , sidu u eekaa muuqaal ahaan , dabiicadiisa ( af xumadiisa) , deeqsinimadiisa , caqiidadiisa diimeed wuxu aaminsanaa, wax kaste oo u sameeyay ama xirtiisu ku kacday bil kaste war-bixin sireed baa laga soo saari jiray oo maanta taala kaydka guud (British National Archives ) ee Ingiriiska iyo Talyaankiga oo kor u dhaaftay laba kun oo bog. Waxa se la yaab ah oo is waydiin leh, sidey u suurto gashay in Ingiriiskii, iyo Talyaanigii wax kaste ka qoray ina Cabdulle Xasan in aanay marna ku sheegin gabayaa?

 

Dadkaas wax ka qoray maansada Soomaaliyeed waagii Daraawiishta waxa ka mid ahaa John William Carnegie Kirk. Kirk wuxu ka qeyb qaatay dagaaladii Daraawiishta 1901-1904tii wuxuna qeyb ka ahaa K.A.R ( King African Rifles) saraakiishii dagaalka hugaaminayay ilaa dagaalkii Jidbaale. Somali u gaar uga waraystay sheekooyinka Somali ee dhaqanka iyo gabayaa iyo askar ciidan ah ayuu Suugaanta buugiisa ka ururiyay waxa ka mid ahaa, Ismaaciil , oo ahaa Habar Jeclo,(Axmed Faarax ) , waana gabayaa waana taariikhyahan iyo nin la odhan jiray Ali oo Habar Yoonis ahaa (Muuse Care) , oo labduba reer Burco ahaa. Dagaalada daraawiishta 1901-1902 ( Afbakayle , Fardhidin iyo Erego) wuxu ka waraystay askari Habar Awal ah oo dagaalada ka qeyb qaatay magaciisana la odhan jiray Nuur Jaamac. Waxa gabayada iyo geeraarada u wakhtigaas ururiyay Kirk ka mid ahaa, geeraarkan oo rag colka ku duulaya Daraawiish mariyeen , :
Geeraar waa boqolaal.
Waa badweyn iyo moojad
Waa babuurka sidiisa
Ninkii aan badinahayn
Beerka waa ka qalaa
Babir may maqasheen
Hadii gaasyo loo bilaabo
O Burco lagu toomo
Wiilal beerka Isaaq ah
Aduunkoodu badnaa
Aan ku berkadasaadhain??
Ayaan sirkaal baasha ka raacay.

 

Dagaalkii Jidbaale oo loo sii socodo ayaa isna nin ku geeraaray:

Innagu Burco joogna
Ma jawaabta ilaalo
War bulaali jadeer oo
Socod beyniga jooga
Jiryaal affeyey
Iyo suun biciid laga jeexay
Ayaa isku jiiday bilaawe
Waa jihaad tegayaa
Ayaa jid arooryo
Ilaa jiidnaya
Aan isku jaad noqonaa.?

 

Nin kale na isagoo Daraawiish ka cabanaya ayaa wuxu ku gabyay:

D’ada gabayga waataan beriyahaa daabicii dhigaye
An dubeeyo waa kii beriaha igu dahsoonaaye
Aan ku d’odo soomaali yaan hadalka daynayne
Daboolka aan ka rido xeedhada dabaqa guud saaro.
Daraawiishtu waa tay ka timi dagaladoodiiye
Daaroodka waagii horey yey dabin u qooleene
Dabadeedna waati lay yimi dagaha iidoore
Dariiqada iyo waatay gubeen ………………………..
Dadku dhacay agoontu dulmiayay darisyadu laayay
Duubka iyo shaalaadkii arladdi lagu dawaafaayey
Sidii danab ku dhacay reerihii digooda loo reebay
Ebow adaa daayinee aan duri ka moognayne.

 

Waxa isna waagii Xaaraame-Cune buug qoray dhakhtar Ingiriis ah oo mudo dhowr sanadood ah ku sugnaa Somaliland , ninkaas oo magaciisa la odhan jiray Drake Brockmen wuxu qoray buuga u bixiyay “ British Somaliland” oo u qoraalkiisa dhamayeey sanadkii 1912. Waxa buugaas u kaga hadlayaa dhaqanka Soomaaliyeed dhanka suugaanta qeyb ka mid ah, gaar ahaan gabay ga iyo geeraarka, heesta iyo baraanbur ka. Geeraarka u sheegay in dabaaldaga fardaa korkooda laga tiriyo marka suldaanka oo kale la soo dhawaynayo. Wuxu dhowr tuduc iyo qaybtii hore ka suu qaatay tusaale ahaan sheekadii Bacluul iyo gabadhii ina Suldaan Diiriye Suldaan Xasan.

 

Laba la hinjiyaaba waa hunguri kii horayn jiraye
Lubigayga kuma beegsadeen lebbihda waaweyne
Igu laashay meeshii dadku ba lairta ku ahaaye
Xoolaa laxaad leh oo wax kale libin ma hooyaane
Lil geliya caawana waxay lagula laab mayo.
lubigayga kuma beegsadeen luqidda waawayn
igu laashay meeshi dadkuba laydhaf ka ahaaye
Xoolaa laxaad lehe wax kale libin ma gooyane
lixdan adhiy iyo qaalin bay libini joogtaye
Bal liil geliya caawana wixii lagula laabmaayo.

Drake Borckmen inkastoon gabayada sida qoraayaasha kale u qorin gabayada , haysayeeshee sheekada ina Cabdulle Xasan iyo xirtiisa wax badan ayuu buugiisa kaga daray , qaar isagu goob joog ka ahaa iyo qaar u dad kale ba ka waraystay , wuxu buugfiisa ku soo darayaa sheekooyin kay soomaalidu ka aaminsanaayeen Wadaadka iyo inu ”wali ahaa” oo qaarkood sidaas ruamsynaayeen , wuxu soo sheegayaa falalkay ku kiici jireen Daraawiishtu , rag ay dhufaaneen , qaar ag xubnahooda jidhka qaar gooyeen hawshu qaban jiray Yuusuf Sangooye oo magacu ugu baxayba arimahaas. Marana se Drake Brockmen oo Somaliland joogay xiliyadii dagaalkii Jidbaale ka danbaysay ilaa 1915 oo gebagebidii Xaarmee Cune ahayd in ninkaas ina Cabdulle Xasan gabay lagu sheegay ama lagu yiqiinba.

 

 

La soco qeybta 1aad ilaa qeybta 10aad.

Rashid Jama
Kayse78@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker