Siyaasaddii Arimaha Dibaddu Wey Soo Xidhantey Waxaan Been aheyn Handaraabka Muuse Biixi Xukuumadiisa Dadku Ku Calaamadsadeen

Guud ahaanba Dadweynaha Reer Somaliland guddo iyo Dibaddba Waxaan Daah ka Saarneyn in ay Xukuumaddii Muuse Biixi u dhutineyso laba Wasaaradood oo Halbawle u ah Qaranka,Wasaaraddii Arimaha Dibadda iyo Wasaaraddii Arimaha Gudaha waxaan cidna ka qarsooneyn dhamaanba Xidhiidhadii Siyaasada Arimaha Dibadda ee Beesha Caalamku sida gaarka ah inoogu Tix galin jirtey in ay rajo la,aan dhaqdhaqaaq la,aan iyo iyo handaraab noqdeen dhamaantood taas,oo ay Tusaale kooban u noqoneyso, sida ay inooga aamustey Dawlladii Itoobiya ee Xidhiidha fiicani inaka dhexeeyay,oo isabadel weyni ku yimid laakiin ka jawaabi weyday Qoraaladii Xukuumadan.

In badan ayey Shacbiga Somaliland ilaa bilawgii Xukuumaddan ka hadlayeen dib u dhaca iyo liitiga ku yimid diblamaasiyada sii Xumaanaysa ee Somaliland kaga fara baxeyso Beesha Caalamka dabranaanta iyo xidhxidhnaanta Wasiira khaariajiyaha oo maalin Walba laga hadlo,Dr Sacad Cali Shire mudadii Xukuumaddii hore ee Dilaalka uu Wadey iyo Maanta oo Sir lagu ilaashanayo,laakiin shaqadiisii Xidhan tahey markhaatina aan loo dooneyn oo Somaliland iyo dadka ku abtirsadaa yar iyo Weyn dareemay,haddaaney jirin Siro qarsoon oo danno ah oo lagu ilaashanayo oo Muuse Biixi ugala hadhey 68kii Wasiir ee Xukuumaddii hore waa Maxey sababta uu Maanta Sacad u deystey ee su,aasha galiyey doorkii Siyaasada Arimaha Dibadda ee Somaliland waa mid shakhsiyan ah oo waa hawlgab,oo dhaqdhaqaaq majiro waa dano gaar ah.

Waxaan qarsooneyn in ay jiraan Wasaaraddo badan oo soo raacaya oo ay kamid tahey Wasaaraddii Arimaha Guduhu waxa ay sitoos ah ugu fashilantey Xalintii Shaqaaqadii Ceel-Afweyn oo loo filayey in Dawladdani ku dhaami doonto Xukuumadii ka horeysay laakiin kasii dartey,Waxaan maanta la isweydiineyn in arintaasi sii fogaaneyso haddii Wasiirka Wasaaradaas mar kale loo diro,waxa jira Dawllado Waaweyn oo inala yaaban oo inagu canaanaya sida Muuse Biixi wax u waddo oo ay u arkaan dib u noqosho iyo in Somaliland laga hantaaqayo kaalineedii miyaan la isweydiin karin hadaladda ay maalin walba inaku canaanayaan Safiirada Aduunyada u jooga Adissababa iyo Nairobi ee Warbaahintu Qoreyso Waxaan leeyahey dalkii Qabayaaladii lasoo dhaafjey sanadii 1994kii ayaa ka bilaabantey Shacbigu ha duceysto Muuse Bilii fiican inaguma lehee Somalilandna uma Wanaagsanee hala Duceysto.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker