Ninkii ‘Sambabka birta ah lahaa’ oo geeriyoodey

Paul Alexander waxaa sannadkii 1952-dii ku dhacay cudurka dabayasha, markaas oo uu 6 sano jir ahaa, taasina waxay keentay in jirkiisa dareenku ka guuro (paralysed) wixii qoorta ka hooseeya.

Cudurku wuxuu sababay in Paul uu si iskiis ah u neefsan waayo maadaama murqaha sambabka maamula ay naafoobeen, taas oo dhakhaatiirta ku khasabtay in ay dhex geliyaan tubbo bir ah oo ku dhex jiro inta noloshiisa ka dhiman.

Mr. Alexander oo ku magac dheeraa “ninkii sambabka birta ah lahaa”, 72 sano ayuu dhuuntaas birta ah ku dhex jirey, mudadaas oo uu waxbarashada heer sare ka gaarey. Wuxuu qaatay shahado dhanka sharciga ah, ka dibna wuxuu ku soo shaqeeyey garyaqaanimo.

Cimri dheer oo dadka qaar caddibaad ula muuqday, balkse asaga caadi lahaa ka dib, ‘ninkii sambabka birta ah lahaa”, dhawaan ayuu geeriyoodey asagoo 78 sano jir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker