Diyaarad Helikobtar ah oo burburtay iyo dhowr qof oo ku dhintay

Diyaarad nooca Qumaatiga u kaca ee helikobtar ayaa waxay ku burburtay Webi ku yaalla Degmadda Ferzokh ee Gobalka Ghor ee Bartamaha dalkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Afgaanistaan Enayatullaahi Khawarazmi ayaa sheegay inay Diyaaradaasi maydad ka soo qaaday webiga Harirod, balse ay cillad farsamo qabsatay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Diyaaradda herdisay Derbi, taasi oo sababtay inay burburto, xilli ay ku degi lahayd Degmadda Ferozkoh.

Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay hal qof, halka ay 12 kalena ku dhaawacmeen, iyadoo Tirada Guud ee dhimashada gaarayso 3 qof oo 2 ka mid ah laga soo saaray Webiga Harirod River oo ay ku hafteen.

Diyaaradda Helikobtarka ee ku burburtay Bartamaha dalka Afgaanistaan ayaa waxa uu nooceedu ahaa MI 17 Military Helicopter oo dalka Raashiya lagu farsaneeyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker