Shacabka Falastiiniyiinta oo ka cararaya deegaanka Rafah iyo tirada dadka ka baracay Rafah

Shacabkii horey ugu soo barakacay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza ayaa toddobaadkii labaad ka barakacaya deegaanka Rafah ee dhaca xadka Marinka Gaza uu la wadaago Masar.

Qoysaska barakacayaasha ayaa u muuqdo kuwo si guud uga barakacaya qaybaha Rafah, ka dib markii Israel ay kordhisay duqaymaha ay ka gaysaneyso dhulka go’doonsan.

Barakacayaasha ayaa la sheegaya in ay dareen ka muujiyeen ciidamada faraha badan ee ay Israel soo dhoobtay Isgoyska Rafah ee kala qaybiya Masar iyo Gaza.

Ciidamada Israel ayaa isku diyaarinaya guluf dhinaca dhulka ah oo xilligan ay gudaha ugu galaan Rafah, sida ay sheegtay CNN.

Rafah oo ah meeshii ugu dambeysay ee ay dadku ku soo barakaceen ayaa muddooyinkan hoy u ahayd 1.5 milyan oo Falastiiniyiin.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ugu yaraan 600,000 oo qof ama rubuc ka mid ah dadka reer Gaza ay ka barakaceen Rafah, tan iyo 6-dii bishan May, markaasoo Ciidamada Israel ay weerar dhinaca ah ku soo qaadeen bariga Rafah.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa walaac ka muujisay inaanay jirin goob nabdoon oo Marinka Gaza ah oo hartay.

UNRWA ayaa muujisay in shacabka ka barakacaya Rafah ay bartilmaameed ku noqon karaan goobaha ay u barakacayaan, waana xilli ay Talaadadii sheegtay in qoysaska barakacayaasha ay wajahayaan dhibaatooyin isugu jira daal, gaajo, haraad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu hayo.

Israel ayaa weerarka ballaaran ee Rafah qorsheynaysa, xilli tobankii maalmood ee ugu dambeysay aanay gaadiidka gargaarka bani’aadantinimo ka soo gudbin Isgoysyada Rafah iyo Kerem Shalom.

Rafah iyo Kerem Shalom ayaa ah marinada ugu muhiimsan ee ay ka soo gudbaan gurmadka bani’aadantinimo, oo maanta ay ku tiirsan tahay nolosha dadka rayidka ah ee ku nool dhulka ciriiriga ah ee ay colaaddu ka jirto.

Rafah oo muddooyinkan ahayd aag bani’aadantinimo oo dadka barakacayaasha ay gabaadsanayeen ayaa hadda isu bedeshay furin dagaal, iyadoo Israel-na ay u biro tumaneyso, sidii ay burbur baahsan uga gaysan lahayd.

Saraakiisha Qaramada Midoobey iyo hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay in duulaanka Rafah uu khatar dhab ah ku yahay nolosha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Kooxaha gargaarka oo ay ku jiraan Guddiga Samatabixinta Caalamiga ah (IRC) ayaa ka digay carqaladeynta ay Ciidamada Israel ku hayaan howlaha bani’aadantinimo.

Israel ayaa ku andacooneysa in weerarkeeda Rafah ay uga gol leedahay burburinta Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu cambaareeyay, sida uu dhegaha uga fureysanayo baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inaysan ciidamadiisu weerarin Rafah, si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah, loogana hortaggo masiibo ba’an oo bani’aadantinimo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker