Minnesota: Qareeno dadka baabuurta dhaca keliya ka shaqeeya oo la magacaabay

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmadda Hennepin ayaa u xilsaaray laba qareen oo ka shaqeeya dadka baabuurta ka dhaca ama geystay dembiyada la xiriira baabuurta lagu dhaco degmadda Hennepin.

Mike Freeman oo ah xeer ilaaliyaha degmadda Hennepin ee gobolka Minnesota ayaa shalay sheegay in uu magacaabay laba qareen oo uu xilsaaray dadka geysta dembiyada baabuur dhicitaanka. Labadda qareen ee loo xilsaaray dadka dhaca baabuurta geysta ayaa ah kuwo ku takhasusay kiisaska dhaca baabuurka, waa sida uu sheegay xeer ilaaliyaha degmadda Hennepin Mike Freeman.
Mid kamid ah labaddan xeer-ilaaliye ayaa ka shaqeyn doona kiisaska dhalinyaradda oo keli ah, iyada oo uu qareenka kale ka shaqayn doonto kiisaska dadka waaweyn.

Haddaba go’aanka xeer ilaaliyaha degmadda Hennepin Mike Freeman ayaa ku soo hagaagay wakhti dhaca baabuur ay kordhayso maalinba maalinta ka dambeysa Magaalooyinka ku yaala degmadda Hennepin ee ay magaaladda Minneapolis ugu horeyso.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker