Been Abuur Iyo Colaad, Haddana Aynu Isku Biirno, Macquul Ma Aha

Waxaad moodaa in ay siyaasiiinta Muqdisho lagu ilaaliyo ayna runta dhabta dheg u dhiggin. Shaqsi aad kala tagteen, ama ha noqoto, xaaskaagi, ehelkaagii, saxiibkaa amaba cidkastaba ha noqotee, oo haddana meel walba colaad, been iyo cadaawad kuula taagan miyaad ku noqon lahayd?
 Waa maya.
Asxaabta Xamar waxaan ka dhaadhacsaneyn in Somaliland lagu asaasay go’aan shacbi, ku dhisantahay go’aan shacbi, ku waaraso, Bidmillahi Kareem, go’aan shacbi.
Haddi citiraafka Somaliland qaato boqol sannadood oo dambe, Muqdishi weligeed kama talidoonto mustaqbalka ummada Somaliland, midhkaasi ha la “aqbalo”. Ama wanaag ha lagu kala tago, oo nabad ha lagu wada noolado, si dad walaalayaal ah oo deris ah, ama , Soomaali is baritay, oo cidna cid kama baqaso, garoonka ha la is keeno.
Waxaan weli ka dhaadhacsaneyn dadka Soomaaliya ku nool, wixii wadahadal ee dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya, waxay yihiin ku ah, ” ha la isu duceeyo, ha la isu dulqaato, deris wanaagsan ha la noqdo” Wixii la wadaagi jiray ha la kala qaybsado, wixii deyn ah ha la xisaabiyo, wixii xidhiidh ah ha la caddeeyo, Lakiin, midow dambe ma jiro doono.
Wax allaale wax Somaliland ku soo celinaya, oo faa’ido ugu jira midow dambe ma jiraan.  Haddii aad xor tahay, iskaba ahow danyar sabool ah, oo aad hoygaaga ku joogtid nabad iyo caanomaal, bash-bash iyo barwaaqo,  maxaa xasuuq, dagaal iyo cabudhin dambe kugu celin?
Waa kaa midhka aanay fahmayn asxaabta iyo masaakiinta Soomaaliya ku nool ee been iyo waxaan jirin loogu sheekaynayo. Insha’Allah waa la fahamsiin doona dhawaan.
Allaa Mahad leh
Axmed Kheyre
ruraledcomm44@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker