Wax ka ogow xanuunka Coronavirus

Xanuunkan Coronavirus waxa magaciisu ka yimid eray latin ah (Corona) oo macnihiisu yahay “Crown” taajka boqorka macnaha marka lagu eego qalabka shaybadhka waxa uu u egyahay Taajka boqorka oo kale,mar kaas sidaas ayuu magaca ku qaattay “Coronavirus” Viruska taajka xidhan.sida magaca laga dhadhansan karo Viruskan waxa laga yaabaa inaanu hore u dhiman oo adkaysi leeyahay.

Xanuunkan waxa uu si deg deg ah u burburiyaa Unugyada difaaca jidhka waxanu weerar deg deg ah ku qaadaa habka wada shaqaynta difaaca jidhka iyo Habdhiska neefsashada.

Muddo laba wiig ah iyo laba maalmood ayuu qofka ku soo ridan karaa calaamadaha lagu garto inta badan waxa ka mid ah Duuf badan,Qufac,Xummad,cun cun cunaha ah.

Habka u u fidi karaa wuu fududyahay waa qufac iyo hindhiso keliya.dadka uu asiibay imika waa 9800, inta u dhimatay waa 213 waxa hadda uu gaadhay 21 waddan inta la ogyahay,hase ahaatee dhakhatiirtu waxay leeyihiin illaa 100,000 case ayaa jira gobolka wuhan oo keliya,waxa laga cabsi qabaa inuu 350,000 oo qof uu soo ridan doono Wuhan oo keliya.

Xanunkan waxa markii ugu horraysay lagu arkay Gobolka Wuhan ee China 2019 hase ahaatee wuu yaraa sidas darted aad looma aqoonsan.ama cilmi baadhis laguma samayn.

Sida ay sheegtay DR Helena mair xanuunkan waxa uu asiibi karaa dadka,lo’da,doofaarka digaagga,bisadaha iyo xayawaanka duur joogta oo dhan.waxa uu shabahaa ayay leedahay Xanunkii loo yaqaannay “Sars” iyo “Mers”.

In kasta oo aan si dhab ah loo ogayn xayawaanka uu ka yimid xanuunkanai haddana xanunkan waxa uu ka bilaabmay magaalada Wuhan China halkaas oo ay ku noolyihiin 11 milion oo qof.

Markii ugu horraysay waxa lagu arkay cudurkan dad ka soo adeeganayay ama booqday sariibad ku taalla magaaladan Wuhan sariibaddan oo imika albaabada loo laabay,Sariibaddan waxa lagu iibiyaa wax yaabaha badda lagala soo baxo waxa kaloo lagu iibiyaa xayawaan berriga oo nool iyo kuwo bakhtiyay  waxana ka mid ah; yayda,qorratooyinka,masaska,daa’uuska caanaqubta,bisadaha,iyo xattaa hilibka geela oo bakhti ah.

Inaga waxa inala gudboon inaynu heegan ugu jirno,kana feejignaano oo ugu yaraan xudduudaha aad loo ilaliyo,sidoo kale nadaafaddu aad ayay u mhiim tahay iyo in waxa la cunayo uu nadiif iyo xalaal ahaado maadama aynu nahay dad muslim ah oo nadaafadda iyo xalaashu hoy u tahay.

Ilaahay waxaynu ka baryaynaa inuu inaga ilaaliyo caabuqaas oo waddankenna aanu soo gelin.

 

 

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

Harg. Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker