BIYO GELINTA BORAMA IYO BUUNTADA CAMUUD +BIRIIJKA DUMBULUQ IYO BIYO GELINTA HARGEISA.

waa waxqabad hadii wixii la magacaabo la dhamaystiro taas oo xoojinaysa kalsoonida dawladnimo.
baahida bulshada oo la baahi tiraa waa sunaha iyo curfiga dawladeed. waxase wax laga xishooda ah
in camara iyo sawiro lagu muujiyo dhagaxdhig mashruuc  oo u eg QAWDA MAQASHII WAXNA HAW QABAN.
mataanaha maamuus wadaagle kana maddhan BORAMA VIA HARGEISA.
xumbaweyne iyo biriisha dumbuluq +dhamuug iyo biriisha qoorgaab waa leefoo ha liqin .
doorashada golaha shacbiga  iyo ka degaanada 13 jirsaday oo laga warwareego waxay soo afjaraysaa maamul dawladnimo
taas bedelkeedu waa in dib looga fikiraa sidii dalka maamul  wax qabad oo callaa aqal doorasha qaban karan
amniiga sugi kara bulshada midayen kara loo samayen  lahaa.axsaabta mucaaridka ee qaranka iyo bulshada rayidka ay tallo midaysan yeeshaan si jiha wareerka looga boxo dalkana aanu si dhibyar ku dhaxalwareegin loona badbaadsho geyiga  iyo gobta somaliland.
MARBAAN GARAN WAAYEY GUUSHAYDEE,
GOBAAD MARLAAB GOD KUMA RIDO.
tusaalle gaaban.
waan ogayen ceelfweyen    in mudo dheer colaad sokeeyi ka socday nabaadayen daayoo wasaarada guduhu ku fasilintay
maarayen laantii keentay jabhd caare.oday dhaqameedka iyo culimada somaliland baa soo afjaray.
maanta iyo gobolka sool dhumay dagaal xun oo sokeeye ayaa ka socda mudo dheerna soo jitamayey
wax xal nabadayen oo loo hayaa ma jiro wasaarada arimaha guduhuna sidii celafwyen oo kal ayey ugu fashilanty dhaawiciina waxaaba loo qaadday GAALKACAYO.
BADHAN oo sanaag ah waxa ka socda waan ognahay ,
ciidankeenii qaranka iyo wiilasheenii baa QARDHO la gu carbiyaa
si ay dagaal u Galaan (LAFA GEEL IYAGAA LAYSKU JEBIYAA).
TUKA RAQNA waa qadiyada geeska Africa ee bariga dhexe oo kale bartaa dhaafiweyeday.
sicir barar iskaga  warami mayeno.
DALKEENII WUXU MARAYAA MARXALAD ADAG MARKA RUNTA LA WAA JAHO
MAA DAAMA UU MAAMULKII XILKII LA KUFAY TALAA TAAL.
la tirsi dhaliiilaha jira marka la sheego masuuliydu ka weyen
hebelbaan u jawaabayaa iyo la tirsi mucaarid waxa tunka  kuu saaran baa ka weyen.
falaadhi gilgilasho kaagama godo ee waad ku fashilanteen hogaankii dalka yo xilkii iyo
amaanadii bulshadu idiin igmatay ee ka xaraga goosta oo bulshada u celiya amaanadooda.
GEYIGA SOMALILAND GUULOOW GARABKOODA QABO.
GUL IYO GOBANIMO SOMALILAND.
XAQ U DIIRIR
MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker