Shan Faa’iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Wakhtigan casriga ah ee haatan la joogo ha la yaabin hadii dhakhtar intaad u tagto uu kuu qoro socod lugta ah halki aad daawo ka sugaysay saabtooo ah waxa jira waxyaalo badan oo faa’iido caafimaad inoo leh oo aynaan fahansanayn balse way badan yihiin faa’iidooyinka socodka lag helo laakiin Halkan waxan ku soo koobay liis shan qodob ah ah oo kawaramayaa faa’iidada socodka lugtu leeyay.
1. Wuxuu ka hortagaa in uu miisaanka jidhku uu kor u kaco .Cilmi baadhayaal ka tirsan Harvard ayaaa daraasad cimli ah ku sameeyay in ka badan 12,000 oo qof si ay u go’aamiyaan faa’iidada socodk lugta ah leeyay waxaany daraasada ku xaqiijiyeen in uu miisaanka qofk hoos u dhigo islamarkaana faa’iido dhab ah u leeyay dadka cayilan ama buur buuran .

2. Labo daraasadood oo ka socdey Jaamacadda Exeter ayaa lagu ogaaday in socodka 15-daqiiqo uu xakamayn karo xiisadaha shukulaatada iyo xitaa yaraynta xaddiga shukulaatada iyo macmacaanka kale ee aad cunayso sidoo kale waxa lagu oogaaday in uu yareeyo xaaladaha walaaca iyo diiqada daraaasadii u dambaysay ee ay sameeyeen waxay xaqiijinaysaa in socodku uu yareeyn karo jahawareerka iyo isku buuqa.

3. Wuxuu yareeyaa halista kansarka naasaha cilmi-baadhayaashu waxay horey u ogaadeen in wax kasta oo jimicsi jidheed ahi uu ka dhigaayo mid hooseeya halista kansarka naasaha Laakiin cilmi-baadhis Maraykan ah oo Kansarka ah ayaa lagu ogaaday in dumarka todoba saacadood ka badan toddobaadkii socda ay 14% ka hooseeyo halista kansarka naasaha marka loo eego kuwa soconayay saddex saacadood ama in ka yar toddobaadkii.

4. Daraasado badan ayaa lagu ogaaday in uu socodka yareeyo xanuunka arthritis-ka ee kala goysyada ku dhaca socodka shan ilaa lix mayl toddobaadkii xitaa wuxuu ka hortagi karaa arthritis-ka inuu haleelo jidhka hadaba Socodku wuxuu ka ilaaliyaa kala-goysyada – gaar ahaan jilbaha iyo miskaha xanuuno kala duwan.

5. Socodku wuxuu xoojiyaa difaaca jidhka sida oo kalena Socodka ayaa xilliga qaboobaha kaa caawin kara in uu kaa ilaaliyo hargabka Daraasad ku saabsan xanuunada qaboobaha oo lagu sameeyay in ka badan 1,000 qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa lagu ogaaday in kuwii socday ugu yaraan 20 daqiiqo maalintii ugu yaraan 5 maalmood usbuucii inay haystaan ​​43% maalmo yar oo xanuun ah marka loo eego kuwa aan ku dhaqmin wiiggii ama in ka yar socoda.

W/D: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker