Isdiidooyin isa seeggan!

Bilowgii haasaawahayaga ayaanu ismari waa’ galnay. Su’aalo ila meerayso ah baa nagu soo noqnoqday. Dhammaan habluhu warcelimaha waydiimahan waa ka siman yihiin, sababtu taloow ma taladii Arraweelaa? (Wax aad diidaysaan yeela, wax aad doonaysaanna diida). Oo taas maxaa ku qasbaya, ee dantooda ay dumarku u raaci waayeen?

– Heblaay, dookhu waa cajiib. Bal hadda eeg siduu adiga iigu kaa xidhay. Sidaan kuu doonayo taloow ma ii danaysaa?

– Hebeloow, shalay uun baa ay ahayd isbarashadeennii, weli hadal inooma furmin – is xaalwaraysi kooban mooyee. Markaa wax aan ku odhan lahaa, “Sidaas oo dhan ha isu kay wada siin inaabti. Hhh”

– Horta ma ogtahay inaan wakhti kuu huro, muddo bilo ahna ku dabasocday? Ma ogtahay intii aynu isku dugsi ahayn inaan qofnimadaada iyo hab-dhaqankaaga qiimayn ku waday? Ma se ogtahay inaan tixraac ku sameeyay waalidkaa oo halkaas kugu xidhiidhiyey? Doorashadaadu kedis iguma aha, waanan ku doonayaa oo danreer iyo damac jacayl baa u watee, dhankaaga iga soo dhawee oo arrinkeena dhammee.

– Hebeloow, warkaagu wuu dheeryahay. Aniguna walaalkay oo kale ayaan kuu aqaannay dugsiga. Wax hunguri ah igama kaa gelin weligay, ismana lahayn hebel oo walaalkaa ah baa tan maanta kuula iman doona. Balse iminka iyo dan, aniga walaal waa la igu soo tabcay oo ilaa aan tacabkii celiyo arrimahaas uma diyaarsani, ma garatay, ee candhuuftaada dib u liq oo halkeenii walaalnimo ha inoogu joogto.

– Heblaay, maxaad ka waddaa waa la igu soo tabcay walaal oo waan celinayaa tacabkii la i soo geliyay?

– Waad ogtahay in waalidkay i koriyeen, i barbaariyeen, tacliin i geliyeen oo heerkaas aan jaamacadda ku soo gaadhay iga saareen. Sidaan qabo waalidkii intaas i soo maalgelinayey inaan ugu yaraan tacabkoodii soo celiyo ayay rabaan, markaa hawshan aad waddo uma diyaarsani ee dib inoogu dhig oo iminka innaga daa walaal.

– Si fiican baan Heblaay kuu fahmay walaal, adduunkana qof aan wax baran, la tarbiyayn oo tacabli’ meel iskeenay ma jiro. Hase ahaatee, waalidkaa inna ma waydiisay tacabcelinta ay kaa dhawrayaan intay le’egtahay? Guur iyo guri kuu gaara haddaad gasho se, inna tacabqasaar ma gaadhayaa waalidkaa?

– Maya, iyadoo aanu tacabqasaar gaadhayn ayaan haddana waajib u arkaa inaan soo celiyo anigu tacabkii i gelay badh.

Arrintii baa igu adkaatay, wakhtigiina sidaan arrimahan uga fikirayey ee u falkinayey buu dhacay. Waxa ugu weyn ee xisaab ii geli waydayna waxaa ay ahayd ‘Tacabcelin’. Yaa xeerkan u jideeyay hablaha mise waa gabasho mustaqbal dhisashada qaarkeed ay kaga gabbadaan habluhu?!

 

FG: Xishoodku waa sedka ugu hodansan ee haweenka Eebbe ku galladay. Tani waa maamo Maryan Mursal Ciise Bootaan oo aan hooyooyinka soomaalida ugu jecelay.

 

 

Cabdicasiis Ibraahin Ciise “Daacad”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker