Maayarka BURCO Oo Wareysi Kaga Hadlay, Mashaariic Badan Oo Ay Ka Waddaan Degmadda Burco iyo Xaaladdaha Nabad-galiyadda Gobolka Togdheer, Abaarta, Curashadda Gu’ga

Maayarka Magaalo Madax-da Gobolka Togdheer Ee Burco Md Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hiiro), Ayaa Ka Hadlay Xaaladda Guud Ee Dhanka Amniga Ee Gobolka Togdheer, Curashadda Gu’ga, Xaaladda Abaarta Ee Ka Jirtay Gobolka Iyo ka Gole Deegaan Ahaan Wixii suurto-galay Muddaddii Koobnay Ee Ay Hogaaminayeen Degmadda Burco.

Md Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hiiro), Maayar Degmadda Burco Oo Caawa Wareysi Gaar Ah Khadka Telefoonka Ku Siiyey  weriye  Khaddar Ali Khum “Shiine”, Ayaa Ugu Horeyn Aan Waydiiyey Maayar Hiiro, Xaaladda Roob Ahaan Ee Gobolka Togdheer, Maadaama Gobolku Ka Yahay Meelaha Ay Abaarta Darani Ka Jirtay, Waxaanu Uu Yidhi Maayar Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hiiro) “Gobolka Togdheer Wuxuu Ka Mid Ahaa meelaha Abaaraha Ugu Darani Ka Jirto, Gaar Biyo La’aanta. Iyaddoo Gobolkani Yahay Gobolka Aad U Balaadhan, Isla-markaana Meelaha Looga Dhaaminayey Aad u Kala fog Yihiin, Gobolka Togdheer Oo Dhan Waxa Looga Dhaaminayey Laba Goobod Oo Kala ah Ceelka Shan-sha Cadde Iyo Ceelka Kaba-dheere Ee duleedka Burco. Halkan Oodweyne Oo Dhan Aanu Lahayn Wax Ceel Biyood ah Oo Looga Dhaaminayo Biyaha Bulshadda Marka Xaaladdan Abaaraha Lagu Jiro.
Iyaddoo Aynu Galnay Xiligii Curashadda Gu’ga, Roobku Goobo Ka Mid Ah Gobolka Ayuu Ka Curtay, laakiin Isha Allah Labadda Habeen Ee Socda Waxaanu filaynaa Inuu Si Wanaagsan Inoogu Da’o Raxmaadka Eebbe Abaaruhuna Naga jabaan.

Roobku Wuxuu Ka Da’ay Deegaannadda Xaaji Saalax, Bali-dhiig Iyo Deegaanno Ka Mid Ah waqooyiga Gobolka Togdheer”.
Md Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hiiro), Maayarka Degmadda Burco, Ayaan Geesta kale Waydiiyey Xaaladda Nabad-galiyadda Ee Gobolka Togdheer, Maayarku Wuxuu Sheegay In Guud Gobolka Togdheer Nabaddoon Yahay Oo Aannay Wax Dhibaato Ahi Ka Jirin Xiligan. Waxaanu Yidhi Maayar Hiiro “Xaaladda Guud Ee Nabad Galyo Ee Gobolka Togdheer, Aad Ayey U Wanaagsan Tahay Ogaalkay, Gobolkunna Wuxuu Ka Mid Yahay Gobolladda Ugu Nabad-galiyadda Wanaagsan JSL. Wax Dhibaato Ah-na Kama Jirto Wakhtigan Aynu Joogno”.
Maayarka Degmadda Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer Md Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hiiro), Ayaan Ugu Dambayn Waydiiyey Waxqabadka u Suurto-galay Muddaddii Koobnay Ee Ay hayeen Hogaaminta Degmadda Burco, Waxaanu Maayar Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hiiro), Kaga Jawaabay Su’aashan Oo Uu Yidhi “Horta Magaaladda Burco Marka Hore-ba Waxay Lahayd Waddooyinka Aad U Wanaagsan. Marka Laga Hadlayo Waddo Wanaagga. Intii koobnayn Ee Ka Maamul Ahaan Aanu Joognay, Waxa Noo Qabsoomay Mashaariic Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Saddex Jid Oo Laamiya Oo Si Casri ah Aan Dhismahoodda, Hadda Gacanta Ku Hayno Ka Gole Deegaan Ahaan.

Siddoo kale, Waxaa Noo Suurto-gashay Waxa Ka Qabashadda Nadaafadda, Qurxinta Iyo Bilicda Magaaladda. Waxaanu Wadnaa Oo Aanu Gacanta Ku Haynaa Dhireynta Magaaladda Si Burco u Noqoto, Magaalo Qurux Badan Oo La Tartanta khayrkeed, Isla-markaana Soo Jeeddata Indhaha Bulshadda.
Annagoo Xaga Maamulka Dawladda Hoose Ee Burco Salka u Dhignayd Si Ummaddii na Soo Doortay Aanu Si Wanaagsan Ugu Shaqeyno Oo Adeeg-yaddii Xaqa Ay Inoogu Lahaayeen Ka Maamul Ahaan Aanu U Gaadhsiino Si Wanaagsan Oo Ku Dheehan Waddaniyad, Hufnaan Iyo Daacadnimo Uga heli Lahaayeen, Haddaanu Nahay Masuuliyiintii Ay U Soo Doorteen Hogaaminta Magaalo Madax-da Gobolka Togdheer Ee Burco”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker