Puntland oo ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay hub sharci darro ah geysay gobolka Mudug

Puntland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay hub sharci darro ah geysay gobolka Mudug, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay halis ku tahay amniga magaalada Gaalkacyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana), ayaa sheegay in maamulku helay xog amni oo muujinaysa in diyaarado sida hub ay kasoo degeen gobolka Mudug, isla markaana hubkaas loogu talagalay in lagu abuuro qalalaase amni oo ka dhaca Gaalkacyo.

Dujaana ayaa dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ku eedeeyay inay muddooyinkii dambe wadeen tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo lagu xasilooni darraynayo Puntland, oo ay ku jiraan abaabulka maleeshiyaad iyo keenista hub.

“Dowladda waqtigeedu dhammaaday waxay Gaalkacyo ku soo daabulaysaa hub la rabo in dadka lagu khalkhal geliyo. Xogtaas waa xog aan ka helnay hay’adaha ammaanka, waana xog sugan,” ayuu yiri Dujaana.

Wuxuu sidoo kale ku andacooday in hubka la keenay uu qeyb ka yahay qalab uu Turkigu siiyay dowladda federaalka, balse aan loo adeegsan ujeeddadii loogu talagalay. Wasiir ku xigeenku ma uusan soo bandhigin caddeyn uu ku taageerayo eedeymahaas, hase yeeshee wuxuu sheegay in hay’adaha ammaanka Puntland ay hayaan xog sugan oo arrinta la xiriirta, islamarkaana faahfaahin dheeraad ah la soo bandhigi doono.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland inay ku kalsoonaadaan hay’adaha ammaanka, isagoo sheegay in Puntland ay diyaar u tahay difaaca deegaannadeeda haddii la isku dayo in la carqaladeeyo amniga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Puntland, mana jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay sheegashada ku saabsan in hub sharci darro ah lagu soo daabulay gobolka Mudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker