Shirkado lagu eedeeyay inay xujeyda lacag dheeraada saarteen oo baaris ku socoto
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu baaris ku wado shirkado kamid ah kuwa Wasaaradda Diinta ay siisay sanadkan adeega Xajka oo lacago ka badan tii ay Wasaaraddu u jaangoysay Xajka ka qaaday muwaadiniin Soomaali ah. Xeer-ilaalinta ayaa sheegtay marka baaristu dhamaato in shirkadahaas Maxkamad la horgayn doono.
Qiimaha sanadkan Soomaaliya looga xajin doono ayay Wasaaradda Diinta ka dhigtay $4,484.539. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in qofkii lacag intaas ka badan laga qaaday ay tahay inuu soo wargaliyo xafiiska si dacwad loogu oogo ciddii sameysay.





